Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا

Shir Muhiima oo Ka Dhacay Magaalada Adiss Ababa & JWXO oo Lagu Marti Qaaday.

Ogaden News Agency

Waxaa goor dhaw oo maanta ah magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya kusoo gabagaboobay Shir aad muhiim u ah oo lagaga hadlayay xaalada wadanka Itoobiya.

Kulankan oo kadhacay Xafiiska Midowga Africa ee magaalada Addis Ababa ayaa lagu casuumay qaybaha kala duwan ee bulshadu ay kakooban tahay sida Aqoonyahanka, Culimada Diimaha, Ururada bulshada, Ururada mucaaradka ah iyo xisbiga talada haya.

Shirkan oo ay fadhiyeen Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa lagu Marti qaaday madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), kuwaas oo door muhiim ah kulahaa shirka.

Shirka maanta oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagaga dooday qodobo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen
1 Nabada iyo xasiloonida wadanka.
2 Nidaamka Fadaraalka iyo sidii looga midho dhalin lahaa.
3 Isbadala jira iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa.
4 Dhismaha doorka bulshada ee wadanka.

Siyaasiyiin iyo dad aqoon leh ayaa aad uga hadlay Arimaha Fadaraalka iyo sida loogu baahan yahay, iyo in uusan jirin si kale oo lagu wada socon karo waxaana hoosta laga xariiqay in habka Fadaraalku uu yahay mid ubaahan sii xoojin iyo kamidho dhalin.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kulanka fadhiday oo kala ahaa Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi (Maaday) iyo Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim, iyo waliba Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge ayaa si mug leh uga qayb qaatay doodihii iyo fanqayntii qodobadaas 4ta ah lagu samaynayay waxaana siwayn dooda madaxda JWXO ula dhacay kasoo qayb galayaashii shirka.

Gabagabadii madaxdii kulanka kasoo qayb gashay ayaa isku raacay habka lagu gaadhi karo higsi lagu midaysan yahay inta laga gaadhayo xiliga ay qoomiyadii doonta gaar utashan karto.

ONA.

May 18th 2019, 9:04 am

Agoonta Ogaadeniya Ee Ku Dhaqan Kismaamyo oo Raashin La Gaadhsiiyay.

Ogaden News Agency

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaadhka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland deeq raashin ah lagu siiyay Agoon badan oo kamid ah Agoonta reer Ogadenia ee kudhaqan Magaalada Kismaayo.

Raashinkan oo isugu jiray Sonkor, Bariis, Baasto iyo Saliid waxaa Agoonta reer Ogadenia kusadaqaystay Hay’ad khayri ah oo kadiiwaan gashan wadanka Turkey.

Hay’adan oo fadhigeedu yahay magaaladii caasimada ah ee Muqdisho ayaa deeqdan raashinka ah ugu talagashay in ay ku afuraan qaysaska Agoonta ah ee reer Ogadenia ee magaalada Kismaayo kudhaqan, waxayna maanta ka farxiyeen qaysas badan oo Agoon ah.

Agoonta udhalatay wadanka Ogadenia ayaa daadsan guud ahaanba dunida gaar ahaan wadamada Geeska Africa, kuwaas oo ubaahan gacan qabasho balaadhan si ay uga sookabtaan diiftii ay soomareen.

ONA.

May 17th 2019, 1:35 pm

Dagmada Laas-Dharkaynle Ee Gobolka Qorahay oo Laga Furay Xafiiskii ONLF.

Ogaden News Agency

Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay kubeegan tahay 16/5/19 waxaa Calanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) laga taagay Dagmada Laas-dharkaynle ee Gobolka Qoraxay.

Wafti balaadhan oo isugu jira Gole Dhexe, Gudiga Xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay iyo Gudiga Xafiiska JWXO ee Dagmada Qabridahare ayaa maanta barqinkii gaadhay Dagmada Laas-dharkaynle halkaas oo laga Taagay calankii JWXO Isla markaana laga furay Xafiiskii JWXO ee Dagmada Laas-dharkaynle.

Waftiga oo kasocdaalay Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay ayaa kulamo layeeshay Unugta JWXO ee Dagmada Laas-dharkaynle iyo qaar kamid ah wax garadka Dagmada, waxayna kula dardaarmeen in gacmaha la is qabsado.

Maamulka Xafiiska Jabhada ee Gobolka Qoraxay ayaa wada ol-ole ay xafiisyada JWXO kaga furay 10ka Dagmo ee Gobolku uu kakooban yahay.

ONA.

May 16th 2019, 12:24 pm

Xafiiskii JWXO oo Laga Furay Dagmada Abaaqorow.

Ogaden News Agency

Waxaa guud ahaanba wadanka Ogadenia si xowli ah uga socda furitaanka xafiisyada Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo mudo dheer xidhnaa.

Wafti balaadhan oo kasocday Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle ayaa galabta oo Arbaco ahayd gaadhay Dagmada Abaaqorow ee Gobolka Shabeelle, halkaas oo ay kataageen Calankii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftigan oo kakoobnaa Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle Mudane Cabdulaahi Fujur iyo Hogaanka Arimaha Ururka ee Gobolka Shabeelle Halgame Maxamed Garaad ayaa galabta daah-furay Xafiiska JWXO ee Dagmada Abaaqorow, kaas oo kamid noqon doona Xafiisyada badan ee wadanka Ogadenia kajira.

Waftiga JWXO ee Gobolka Shabeelle ayaa kutala jira in ay furaan xafiisyo kale oo cusub iyagoo sidoo kalana wada abaabul aad ubalaadhan.

Dhanka kale waxaa Gobolada wadanka Ogadenia kasocda diyaar garaw iyo abaabul lixaad leh oo ay wadaan madaxda iyo Kaadirka JWXO oo isku duuban, taas oo looga gol leeyahay gaadhsiinta hamiga shacabka Soomaalida Ogadenia.

ONA.

May 15th 2019, 12:48 pm

Jaaliyada Ogadenia oo Shir ku qabatay Edmonton.

Ogaden News Agency

Xubnaha Jaaliyada Ogadenia ee Magaalada Edmonton ayaa shir isugu yimid shalay kaasi oo ka dhacay Xafiiska Jaaliyada Ogadenia Edmonton,kana soo qayb galeen warbixin dheera la wadaageen laba masuul oo kamid ah jaaliyada Edmonton mudo dhowr bilood ah ku maqnaa Ogadenia.

Labada masuul waa.Xildhibaan Yousuf Ismail iyo Ahmed Ali Qabxun, ayaa ku dheeraatay xaalada dhabta ah ee ka jirta , Ogadenia,dhinacyada Arimaha bulshada,Siyaasada,Amaanka iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxay ka warbixiyeen JWXO taniyo intay dalka dib ugu laabatay wixii u qab soomay iyo caqabadihii ka horyimid,waxayna siwada jir ah uwada qireen in shaqo badan laqabtay,mid intaas ka badana lagama maar maan tahay in loo diyaar garoobo.

Ka soo qeyb galayaasha shirka waxaa kamid ahaa Professor Mahamoud Ugaas oo isagana laga dhaqeystay Nidaamka ka jira Ethiopia qaabka uu qamaha isugala jiro iyo Cabsida ay qabaan wadamada daneeya jiriraanka Ethiopia.

Shirkan oo saacada qaatay ayaa waxaa halkaasi lagu waydiiyay mudanayaasha su’aalo ku saabsan isfan galka shacabka Ogadenia ee dalka sii joogay kuwii dib u laabtay (JWXO )iyo maamulka DDS.
Shirkan ayaa ku soo dhamaaday guul iyo in shaqada Jaaliyada Ogadenia ee wadanka Canada gaar ahaan Galbeedka siwayn loo dar dar galiyo.

May 14th 2019, 2:24 am

Jaaliyada Ogaadeniya Ee Denmrk oo Kulan is Xogwaraysi Isugu Timaaday.

Ogaden News Agency

Waxaa kulan is xog waraysi ah isugu imaaday xubnaha kaadir iyo masuuliyiin JWXO ah oo dhawaan kasoo laabtay wadankii hooyo kulankan oo ahaa mid isxog waraysi ah ayaa waxaa warbixin laga dhagaystay Halgame General Cabdulaahi Mukhtaar oo Kamida gudiga fulinta ee JWXO.

warbixin dheer uu General Cabdulaahi mukhtaar bixiyay kadib waxaa la isku afgartay in lasii laban laabo hawlihii Jaaliyad iyo qorshayaasheedii.

shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Denmark.

May 13th 2019, 9:43 am

Kulan Muhiim ah oo maanta jijiga uga qabsoomay OYSU & Aqoonyahanka Ogaadenia

Ogaden News Agency

Kulan Muhiim ah oo maanta jijiga uga qabsoomay OYSU & Aqoonyahanka Ogaadenia.

Maanta oo Axad ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 12/5/19 waxaa magaalada Jigjiga kaqabsoomay kulan taariikhi ah oo looqabtay Aqoonyahanka S.ogadenia ee kudhaqan Magaalada Jigjiga.

Kulankan oo ay sooqaban qaabiyeen Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) ayaa ka dhacay Xafiiska JWXO ee magaalada Jigjiga.

Shirkan oo ahaa mid ahmiyad gaar ah lahaa ayaa lagu Marti qaaday madaxda katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) waxaana kulanka sooxaadiray ilaa 6 xubnood oo katirsan Golaha Dhexe ee JWXO.

Ugu horaynba waxaa kulanka khudbad mug leh kufuray Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia mudane Cumar Sh Cabdulaahi (Cumar Sooya).

Sidoo kale waxaa kalmado dhaxal gal ah Aqoonyahanka usoo jeediyay qaar kamid ah Madaxdii JWXO ee kulanka kasoo qayb galay, waxayna dhalinta iyo Aqoonyahanka kubooriyeen in ay kaalintooda ciyaaraan.

Intaas kadib Aqoonyahanka ayaa loo ogolaaday in ay madaxda JWXO waydiiyaan su’aalaha ay tabayaan waxaana madaxda lawaydiiyay su’aalo aad ubadan.

Madaxda JWXO ayaa dhankooda si mug iyo miisaan leh uga jawaabay su’aalihii lawaydiiyay kuwaas oo dhinacyo kala duwan laga waydiiyay.

Gabagabadii kulankii dhex maray madaxda JWXO iyo Aqoonyahanka wadanka ayaa kusoo dhamaaday jawi dagan iyadoo lagu balamay in laqaban doono kulamo kan lamid ah.

ONA.

May 12th 2019, 2:29 pm

Degmada Shaygoosh oo Xafiiskii JWXO Laga Furay Calankiina laga sudhay.

Ogaden News Agency

Waxaa degmada Shaygoosh ee gobolka Qorahay si rasmi ah looga furay xafiiskii Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya JWXO.

Xafiiskan jabhadda ee laga furay ayaa waxaa goob joog u ahaa masuuliyiin iyo kaadirka Jabhada oo ay kamid ahaayeen Halgame Nuur Maxamed Fatule iyo Halgame Liban Miyir.

Dhanka kale waxaa xafiiska hortiisa la sudhay calanka quruxda badan ee dalka Ogadeniya, waxaana calanka wada sudhay birta dheer Nuur Faatule iyo Liban Miyir.

Guud ahaan bulshada iyo Xubnaha ururka ONLF ayaa si aad ah ugu riyaaqay in maanta xafiiskii jabhada laga furay magaalada Shaygoosh iyo in calanka Ogadeniya uu ka babado badhtamaha Shaygoosh.

Halgame Nuur Mohamed Faatule oo shacabka shaygoosh kula hadlay barxada hore ee xafiiskan cusub ee jwxo ayaa shacabka uga mahad celiyay ka sooqaybgalka furitaanka xafiiska iyo inay maanta arkaan calankoodi oo ka babanhaya dushooda.

Halgame Nuur ayaa hadalka ku soo gabagabeeyay inay Jabhadu degmo ilaa tuulo walba oo dalkeena ah ka furayso xafiisyadeedi oo sharci ah lagana wada sudhi doono calanka dalkeena Ogadeniya.

Guul iyo Gobonimo.
ONA/Shaygoosh.

May 7th 2019, 7:54 am

ururka Dhalinyarada OYSU Faraca Jig Jiga oo Kulan Muhiima Isugu Yimid.

Ogaden News Agency

Waxaa kulankoodii caadiga ahaa magaalada Jigjiga kuqabsaday Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia, fariciisa magaalada Jigjiga.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa kasoo qayb galay madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo khudbado dhalinta ujeediyay.

Ugu horaynba waxaa kulanka furay Xoghayaha OYSU ee magaalada Jigjiga mudane Cabdulaahi cabdiqani, wuxuuna Xoghayuhu kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha OYSU ee Ogadenia halgame Cumar Sooya.

Mudane Cumar Sooya ayaa ugu horaynba dhalinta ku bogaadiyay wax qabadkoodii mudadii ay jireen wuxuuna Xoghayuhu kawarbixiyay qorshaha lagu balaadhinayo Ururka OYSU ee Ogadenia.

Dhinaca kale waxaa khudbad taariikhi ah dhalinta ujeediyay Xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO mudane Maxamed Shariif Cumar, wuxuuna Mudane Maxamed Shariif dhalinta usheegay in ay kaalintooda ciyaaraan isagoo rajeeyay in ay wax badan qaban doonaan.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay madax kala duwan sida Gudoomiyaha Xafiiska Jabhada ee Gobolka Faafan, Gudoomiyaha Xidhiidhka Gobolada ee JWXO iyo madax kale kuwaas oo dhamaantood dhalinta kubooriyay in ay door wayn kaqaataan howlaha halgan ee socda.

Gabagabadii waxaa si qurux badan kusoo dhamaaday kulankii xubnaha Ururka OYSU ee magaalada Jigjiga.

ONA.

May 4th 2019, 11:55 am

Jaaliyada Ogadenia ee Canada oo Canbaareyn iyo Bogaadin Soo saartay.

Ogaden News Agency

Jaaliyada Somalida Ogadenia ee Bariga wadanka Canada oo Shir, khadka Telephon isugu timid ayaa laga soo saaray qodoba dhowra oo ku saabsan xaaladihii u danbeeyay  ee ka dhacay gudaha Ogadenia.

Shirka uu soo abaabulay Xidhiidhiyaha Jaaliyada Ogadenia ee Bariga Canada, Halgame Mahamed Tube, waxaa kale oo shirka  ka  soo qaybgalay waarbixin dheera iyo Su’aalo ku saabsan  xaaladaha kala guurka ah ee ka jira Ogadenia iyo Ethiopia wax laga waydiiyay  Dr.Abdirahman Yousuf Magan oo kamid ah Golaha dhexe ee Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenia(JWXO).

Dr.Abdiraham oo maalmo ka hor ka soo laabtay Gudaha Ogadenia mudo  kabadan Sideed bilood ku sugnaa Ogadenia sifiicana ulasocday xaalada Ogadenia  ayaa  aad ugu dheeraaday  warbixinta,  waxaa kale uu siwaafi ah uga jawaabay Su’aalo ay  halkaasi ku waqydiiyeen xubno Rag iyo Dumar isufgu jira oo  shirka ka qayb galay.

Shirka oo saacado qatay gabagabadii waxay  jaaliyada Ogadenia ee bariga Canada soo saartay Qodobada hoos ku xusan.

Canbaaray:

1.Jaaliyada Ogadenia ee bariga Canada way si xoogan u canbarayn xasuuqo ay ciidamada Huwanta ka wadaan Degaanada  gobalka Site ee dhaca xuduuda aan lawadaagno qoomiyada Canfarta sida Cadeyte,Candhuufa,Galmalo,Garbe-ciise iyo  Madag.

Bogaadin.

2-Jaaliyada Ogadenia  ee Bariga Canada  waxay bogaadin,ugu horeyn Shacabka Somalida Ogadenia ee diiday keenada gumeysiga duruufkasta uu ku sugan yahay.

3-Sidoo kale  Jaaliyada Ogadenia  waxay bogaadin Bayaankii ka soo baxay JWXO iyo Xukuumada Somamali State .

Baaq.

4-Jaaliyada Ogadenia ee Bariga Canada, waxay baaq  dheer  hawada u marin in meel looga soo wada jeedsado,loona midooba danta , Dalka, Diinta iyo Dadka  Lagumeysto ee Soomaalida Ogadenia.

Midnimo, Mintid,Iskutashi@ Guul.

Jaaliyada  Somalida Ogadenia ee Bariga Canada.

May 4th 2019, 1:44 am

War Clouds in the Somali Afar Border

Ogaden News Agency

War Clouds in the Somali Afar Border

For the last four months, the border situation between Somali and Afar border has been worsening. Afar armed militias had been consistently attacking Somali border towns and villages killing and looting Somalis. Yesterday, armed Afar state militias attacked the town of Madan killing 13 men and wounding several others. In this particular incident, the Ethiopian national army disarmed the rural population in the area during last week and the Afar militia knowing this took advantage of the situation and undertook this campaign of killing, looting and burning Somali villages.

In September 2014, TPLF forced the Somali Regional State leader to turn over  three Somali towns to the Afar state jurisdiction without the consent of the local Somali people. At that time the Somali people were victimized  because of  the war in the Somali region and TPLF decision to fan civil wars among Somalis and their neighbors in order to defeat the popular resurrection against its rule.  This war of attrition against Somalis escalated after the change of leadership in Ethiopia.

When the TPLF regime lost hegemony of EPRDF rule,  The Somali people requested justice and to  reunite with their  representative Somali Regional state. This angered the Afars and their regional state, who triggered harassments and reprisals against the Somali people on the Afar Somali border and this has been ongoing with many Somalis losing their lives.

The issue has reached a stage where the conflict is turning into total war between Somalis and Afars which could engulf the whole of the two regions in an unnecessary conflict that is currently manageable.

Another unacceptable issue is that the Ethiopian National army, which is supposed to be neutral, and protect all peoples in Ethiopia is always impartial when it comes to conflicts involving Somalis and others and that is reinforces the feeling of alienation and marginalization Somalis always feel.

ONLF strongly condemns the killing of innocent 13 Somali men by Afar state militias and requests the perpetrators to face justice. 

ONLF also calls upon the Federal government and the two respective regional government to start addressing this conflict by reversing the decision of transferring the three Somali districts to Afar State, and by creating mechanisms to stop any further violence. 

In addition ONLF calls upon the elders, political organizations and intellectuals to start direct dialogue and address the conflict.

Finally, ONL Sends it condolences to victims and their families and calls for all stakeholders to avert any further loss of life from both nations.

May 3rd 2019, 10:35 am

Mudaa haraado Waa wayn oo Ka socda Gobolka Axmaarada.

Ogaden News Agency

Wararka nagasoo gaadhaya Wadanka Itoobiya Gaar Ahaan Gobolka Amxarada Ayaa Sheegaya inay maanta Gobolkaas kajiraan, mudaharaado siwayn lasoo agaasimay oo lagaga soo horjeedo maamulka Gobolka Amxarada iyo siyaasada Abiye Ahmed eeku aadan Qowmiyada Amxarada.

Mudaharaadadan ayaa waxa soo qaban qaabiyay Ururada Xuquuqda Amxarada udhaqdhaqaaqa sida Ururka (NAMA) waxayna sheegeen in Abiye Ahmed iyo Ururka ODP ay dagaal qaawan kula jiraan dadka Amxarada ah.

Mudaharaadada ayaa waxay hada kasocdaan Inta badan Gobolka Amxarada sida Magaalooyinka Bahardar iyo Gonder.

Dadka mudaharaadaya ayaa kuqaylin haya Erayo kadhan ah Xisbiga talada Gobolka Amxarada haya waxayna kubaaqayaan in xisbiga talada haya meesha dhaafo madaama oo uu kufashilmay inuu Danaha dadka Amxarada ah si dhab ah u matalo, kana gaabiyay inuu difaaco Amxaarada lagu layn hayo Gobolka binshagul gumuska iyo xuquuqda ay kaleeyihiin Casimada Itoobiya ee Adis Ababa oo ay sheegeen lagala wareegayo lana barakicin hayo.

Mucaaradka Amxarada ayaa ku andacoon haya In Abiye Ahmed khiyaamay oo uu Beegsan hayo Shacabka Amxarada ah iyo danahooda una shaqayn hayo Qomiyadiisa Oromada oo kali ah.

Taniyo Ituu xilka lawareegay Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed waxaa wadanka kadhacay Isbadal balaadhan oo meela badan taabtay Waxyaabaha ugu waa wayna waxaa kamid ahaa sidayntii Maxaabiistii siyaasadeed la heshiintii Dowlada Eritrea, Ururadii Gobanimo doonka ahaa Iyo mucaaradkii Dibad jooga aha.

Balse dhanka kale waxaa wadanka ka dhacay dagaalo Qomiyadod oo ay boqolaal Ruux ku dhinteen, kuna barakaceen malaayiin shacab ah waxayna Itoobiya noqotay wadanka dunida ugu barakacaayasha badan iyadoo ka kor martay wadamada Suuriya iyo Yeman, taasoo walaac iyo shaki ku abuurtay dadka Itoobiyaanka ah su’aal na galisay Kartida Abiye Ahmed uleeyahay inuu wadanka sidhab ah udajiyo gacantana kusoo celiyo Kala danbayntii iyo isdhaxgalkii Qomiyadaha kala duwan ee Itoobiya kuhoos nool.

ONA.

May 2nd 2019, 10:37 am

Madaxda ONLF iyo Khuburo Caalami ah oo Shir uga Furmay Magaalada London.

Ogaden News Agency

Maanta oo Arbaco ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 1/5/19 wuxuu Shir muhiim ah magaalada London ee wadanka Ingiriiska uga furmay Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo khuburo caalamka kasocotay.

Kulankan oo ahaa mid mudaba lasugayay ayaa maanta kafurmay magaalada London ee wadanka UK, waxaana kulanka kasoo qayb galay Madaxda JWXO iyo dad khuburo ah oo miisaan kuleh caalamka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray heshiiskii dhex maray Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) iyo dowlada Itoobiya, kaas oo dabayaaqadii sanadkii tagay lagu sixiixay magaalada Casmara ee wadanka Eritrea.

Heshiiskan oo ahaa mid saamayn kuyeeshay xaalada Geeska Africa ayaa shirka lagu falanqeeyay meesha uu marayo iyo sida ladoonayo in loo wajaho si loo ilaaliyo nabada Geeska Africa oo heshiisku uu fure u ahaa.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu lafo guray geedi socodka nabada iyo Dimuqraadiyada bilawga ah ee Wadanka Itoobiya gaar ahaan wadanka Ogadenia oo ah dhul ay colaado gaamuray Iyo hardan siyaasadeed soomareen.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa kudhamaaday si nabad ah, waxaana lafilayaa kulamo kale oo dhex maridoona madaxda JWXO iyo Siyaasiyiin ree galbeed ah.

ONA.

May 1st 2019, 2:49 pm

Kulan ay isugu Yimaadeen Maamulada Oromada & Somalida & JWXO oo Ka Qayb Gashay.

Ogaden News Agency

Shir aad u balaadhan oo boqolaal Somali iyo oromo ah kasoo qayb galeen ayaa lagu qabtay magaalada Haadamo(Naziret) oo ah caasimadda qawmiyada oromada, Waxaa shir dhaqameedka gudoominayay labada madaxweyne ee qawmiyada somalida iyo oromada, waxaa kale ka qayb galay wafti JWXO ah oo ka kooban 12 xubnood oo gole dhexe ah waxay qayb ka ahaayeen marti sharafta shirka ka qayb galaysay.

Waxaa magaalada Naziret lagu qorxiyay boodhadh lagu qoray hadalo soo dhaweyn ah oo muujinaya inay labada shacab yihiin dad wada dhashay oo soo wada halgamay.

Waxaa ka hadlay shirka oday-dhaqameedka 2da qawmiyadood oo aad u soo dhaweeyey kulanka oo muujiyay inay deegaan iyo dhaqan iyo isirba ay wadaagaan oo midhihii halgankii dheeraa ay soo galeen uu noqday midkan uu shacabka oo idil ku noolaanayo, heeso wadani ah oo leh Somali iyo oromo waa walaalo ayaa labada afba lagu luuqaynayay.

Labada madaxweyne ayaa balan qaaday inay wax ka qabanayaan xasaradaha xuduudaha ka jira isla markaana ku dadaali doonaan in dadkii lasoo barakiciyay lagu celiyo guryahoodii kuwii la dhibaateeyayna la xaal marin hayo.

Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge oo ka hadalay goobta ayaa sheegay in shacabka oromo laga sugaayo abaalkii Somali u gashay inay gudaan maanta, arintaasoo ay soo dhaweeyeen odayaashii iyo dhalinyaradii oromada ahaa ee shirka fadhiyay.

ONA/Naziret.

May 1st 2019, 9:15 am

Ururka Dhalinyarada OYSU oo Kulan La Qaatay Safiirada Reer Galbeedka u Fadhiya Adiss Ababa.

Ogaden News Agency

Waxaa Magaalada Adiss Ababa ka dhacay shir balaadhan oo ay soo qaban qaabisay safaarada wadanka Swedan ee magaalada Adiss Ababa, waxaana lagu qabtay safaarada wadanka swedan ee magaalada Adiss Ababa.

shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhawr toban safaaradood kulankan ayaa waxa uu dhex maray ururka dhalinyarada iyo ardayda somalida Ogaadeniya iyo qaar kamida safiirada reer galbeedka ee ku dhaqan Adiss Ababa.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlaayay kaalinta ay kulee yihiin dhalinyaradu isbadalka guud ee wadanka dhacay iyo kaalinta ay qaadan karaan dib usoo kabashada dalka.

Shirkan ayaa waxaa hadlay Halgame Jabarti ismaaciil Baynah iyo Halganto Layla Cabdulaahi waxayna war bixin dhinacyo badan taaban hayso kasoo jeediyeen shirka ayagoo tilmaamay in is badalka guud kasakoow uu wali wadanku u baahan yahay in fursado badan lasiiyo dhalinyarada.

waxa kale oo ka hadlay safiirka Swedan Torbjörn Pettersson asagoo tilmaamay in is badalka wadanka ka dhacay loo baahan yahay inuu midho dhalo.

Shirka ayaa ugu danbayntii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah wuxuuna kusoo dhamaaday si habsami ah.

ONA/Adiss Ababa.

April 30th 2019, 7:39 pm

Buug Cusub oo uu Qoray Mudane Xusen Nur oo Lagusoo Ban dhigay Adiss Ababa.

Ogaden News Agency

HIMILADA-HAYAANKA & HALGANKA JWXO.

Waa Buug Cusub oo Maanta lagu Daahfuray Caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa.

Buugan oo Halku Dhagiisu yahay Xusuus Qorkii Xuseen-Nuur kana kooban Labo Valume, Waxaa soo waariday Hogaankii Hore ee Cilmi Baadhista JWXO ahna Hogaanka Warfaafinta JWXO ee Hada Halgame: Xuseen Maxammad Nuur.

Kitaabkan uu qoray Halgame Xuseen-Nuur oo laba volume ah ayaa laga bilaabay inlagu gado maanta Addis Ababa.

Kitaabka oo ku magacaaban -Xusuys-qorkii Xuseen M . Nuur – wuxuu ka hadlayaa halgankii JWXO laga soo bilaabo 1984 ilaa marxalada maanta socota oo si cilmiysysan ka muuqato loo dhigay sidoo kale waxaa ku ku badan document-yadii iyo warqadihii mudadaa la qorayay ee Geedi Socodka Halganka khuseeyay.

Dhanka kale taariikhdii SPM oo halgame Xuseen M. Nuur uu qayb fiican ka qaatay ayaa document-iyo rasmi lagu soo Minguuriyay kitaabkan Xusuus Qorkii Xuseen Nuur.

Maalmahan Soo socda ayaa lagu wadaa in lagu soo Bandhigo Suuqa Caasimada Ogaadenia ee Jijiga

ONA / ADDIS-ABABA.

April 30th 2019, 5:39 am

Madaxda Dhaqanka ee Deegaanada BUUHOODLE oo Xafiiskiisa Ku Booqday Gudoomiyaha JWXO.

Ogaden News Agency

Madaxda Dhaqanka ee Deegaanada BUUHOODLE oo Xafiiskiisa Ku Booqday Gudoomiyaha JWXO.

Kulan Balaadhan oo is xogwaraysi ah ayaa shalay Dhex maray oday dhaqameedka Boohoodle oo uu hogaaminayo Caaqil Ismaaciil Cabdullaahi Cumar(Camay) ooy wehelinayaan 7 Caaqil ookale iyo Madaxda ugu saraysa Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenia JWXO.

Odayada beesha ayaa gudoomiyaha JWXO adm. Maxammad Cumar Cismaan ku booqday Xafiiskiisa Shaqada ee Magaalada Jijiga, halkaasoo xog waafi ah oo dhinacyo badan xambaarsan la iswaydaartay.

labada dhinac ayaa si mugleh isuala meeldhigay in laga wada qayb qato midnimada umadda somaliyeed iyo halganka ay JWXO hormuudka ka tahay.

Waxaa kaloo lagu heshiiyay in xubnaha ururka ee ka hawlgalo deegaanka buuhoodla lagu gacansiiyo hawlaha halganka ay ka wadaan halkaas.

Madax dhaqameedka oo si fur-furan oo gacaltooyo kamuuqato uga hadlayay madasha fadhiga ayaa ku dbeeraaday sida ay diyaarka ugu yihiin gacansiinta Halganka Ogadenia lagu xoraynayo & ku qanacsanaantooda Mabaa’adiida JWXO.

Xubnihii madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Garad c/risaaq garaad soofe, boqor c/laahi axmed dabagooye, garaad saleebaan buraale, caaqil ismaaci c/lahi cumar(camay), caaqil maxamed ismacil gurux, eng saleban cali cabdi, axmed cawil bacaluul iyo maxamed deeq xasan xundub, Dhamaantoodna waxay umahadceliyeen Gudoomiyaha Jwxo & halganka uu hormuudka kayahay.

Gabagabadii jawi farxadeed & dardaaran Shaqo ayuu ku idlaaday kulankii.

ONA / JIJIGA.

April 30th 2019, 4:25 am

Jaaliyada Ogaadeniya Germalka oo isugu Timaaday Kulan Muhiima.

Ogaden News Agency

Maanta oo ay Tarikhdu ahayd 28/04/2019 waxa Shirka aad u heer sareeya lagu qabtay Magalada Darmstadt ee dalka Germany, kulankan ayaa waxaa isugu yimid kaadirka Jaliyada Ogadenia ee dalka Germany.

Shirka ayaa waxa lagu furay aayadaha Quraanka kadib na heesta Calanka Ogadenia. intaas kadib waxaa loo gudbay Agendaha Shirka kaas oo Sadex qodab ka koobna

1- Warbixin Gudaha Ogadenia uu so jeediyey gudomiyaha Jaliyada oo mudo 6 bilood Ogadenia Ku maqnaa.

2- Sidii loo dardar galin laha Hawlaha Halganka iyo mida Jaliyada ba taas oo aad logu qodo dheeraday.

3- Sidii Agoonta Ogadenia loo caawin laha loogana farxin laha bishan Barakaysan ee Ramadan.

Shirka ayaa waxaa kale oo lagusoo qaatay dood kusaabsan marxalada siyaasiga ee geeska afrika iyo tan Ogaadeniya ba wuxuuna kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA Germany.

April 28th 2019, 5:23 pm

Shir Balaadhan oo Ka Dhacay Magaalada Adiss Ababa & JWXO oo Lagu Casuumay.

Ogaden News Agency

Waxaa magaalada Addis Ababa maanta oo Axad ah kaqabsoomay Shir balaadhan oo ay yeesheen Xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyada Itoobiya, kaas oo kadiiwaan gashan Asxaabta ee qaran ee Itoobiya.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu casuumay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) waxaana kaqayb galay Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyada Itoobiya Cabdiqaadir Aadam oo kulanka furay ayaa siwayn ugu Mahad celiyay Madaxda JWXO iyo guud ahaan Ururka ONLf oo uu kutilmaamay kuwo bislaaday oo mudo dheer Soo halgamay.

Gudoomiye Cabdiqaadir Aadam ayaa sheegay in uu usoo bogay Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO ee Magaalada Qabridahare oo lagu casuumay, isagoo madaxda JWXO ka codsaday in ay ku caawiyaan khibradooda.

Dhinaca kale waxaa kulanka khudbad mug iyo miisaan leh kasoo jeediyay Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO mudane Xassan Macalim, wuxuuna ugu horaynba Gudoomiyuhu madaxda Xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyada ugudbiyay salaan uu kawaday madaxda JWXO.

Gudoomiye Xassan Macalim ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha xisbiga Cadaalada iyo Dimuqraadiyadu uu yahay mid hufan oo lagu qanci karo, isagoo xusay in ay JWXO diyaar utahay wadashaqayn iyo in ay kucaawiso wixii khibrad ah oo ay kudhaanto.

Gudoomiye Xassan ayaa sidoo kale sheegay in ay JWXO taageerayso isbadalada dalka kasocda, iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta Dimuqraadiyada.

Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO oo mudo dhaw lafuray ayaa umuuqda mid kaalin dahabi ah kaciyaaraya Siyaasada wadanka iyo isbadalada cusub, wuxuuna Xafiiska qabtay shaqo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaalida Ogadenia.

ONA.

April 28th 2019, 7:30 am

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim & Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee

Ogaden News Agency

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim ayaa Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Wadanka Sweden kala qayb galay shirkoodii caadiga ahaa oo kadhacay magaalada caasimada ah ee Stockholm.

Mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim oo shirka kaga qaybgalay dhinaca khadka Talafoonka isagoo jooga magaalada Jigjiga ayaa xubnaha Jaaliyada uga warbixiyay xaalada guud ee Geeska Africa gaar ahaan wadanka Ogadenia.

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Axmedyaasiin Sh Ibraahim ayaa xubnaha Jaaliyada uga warbixiyay Socdaalkii bisha qaatay ee Hayaanka Guusha kaas oo Madaxda JWXO ay kusoo mareen inta badan wadanka Ogadenia.

Sidoo kale Xoghaye Kuxigeenka ayaa xubnaha Jaaliyada Ogadenia ee Sweden uga xog waramay kalfadhigii Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kadhacay magaalada Qabridahare, kaas oo wax badan oo muhiim u ah bulshada Soomaalida Ogadenia ay kasoo baxeen.

Halgame Axmedyaasiin ayaa sidoo kale ka warbixiyay xaalada Ciidanka JWXO ee baryahan qasnayd iyo sida loowajahayo, isagoo sheegay in ay kuhowlan yihiin sidii ay u xalin lahaayeen qadiyada ciidanka.

Halgame Axmedyaasiin Sh Ibraahim kuxigeenka Xoghayaha Guud ee JWXO ayaa dhinaca kale Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Sweden ku amaanay dadaalkoodii dheeraa, isagoo sheegay in hayaankii dheeraa wali lagu jiro Jaaliyadana looga baahan yahay in ay siilaba jibaaraan dadaalkoodii.

Gabagabadii Mudane Axmedyaasiin ayaa xubnaha Jaaliyada Sweden iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee Ogadenia kudhaqan urajeeyay guul iyo wanaag.

ONA.

April 28th 2019, 2:26 am

Jaaliyada Ogaadeniya Ee Swedan oo Kulankoodii Caadiga Ahaa Isugu Yimid.

Ogaden News Agency

Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee kadhisan wadanka Sweden ayaa maanta oo Sabti ahay isugu timid kulankeedii caadiga ahaa oo qabsooma bishiiba hal mar.

Kulankan oo kadhacay magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden ayaa lagu gorfeeyay marxalada cusub ee halganka shacabka Soomaalida Ogadenia uu galay iyo sidii loola jaanqaadi lahaa.

Xubnaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee wadanka Sweden ayaa siwayn uga dooday sidii ay ugarab istaagi lahaayeen shacabka Soomaalida Ogadenia ee kasoo duudsaday dhibaatadii baahsanayd iyo halgankoodii oo yeeshay waji cusub oo qalin ah.

Xubnaha Jaaliyada ayaa sidoo kale kadooday qorshahooda shaqo ee uyaalay iyo sidii loodar dar galin lahaa si loogaadho hadafkii shacabku uu higsanayay.

Kulankii dhexmaray xubnaha Jaaliyada Ogadenia ee Sweden ayaa kudhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay hadal yar iyo howl badan.

ONA.

April 27th 2019, 1:03 pm

War-saxaafadeed: Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadenya (JWXO) habkii loo maamulay midaynta ciidamada

Ogaden News Agency

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadenya (JWXO).

War-saxaafadeed.

26 Apr. 2019.

Bayaan ku saabsan habkii loo maamulay midaynta ciidammada.

Isbeddalkii ka dhacay Itoobiya iyo furfurnaantii siyaasadeed ee dowlada cusub ay ku baaqday waxay horseedeen in heshiis nabadeed uu dhex-maro Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadenya (JWXO) iyo dowlada Itoobiya, kaasoo magaalada Casmara lagu kala saxiixday markii ay taariikhdu ahayd 21 Oct, 2018.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in Ciidamada Jabhada Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (CJWXO) ay qayb ka noqdaan ciidamada ammaanka ee Deegaanka Soomaalida, iyadoo Jabhadda iyo Dowlad Deeganku ay isla dajiyeen barnaamij qeexaya qaabkii hawshaas loo maarayn lahaa.

Iyadoo barnaamijkaas laga duulayo, waxaa Dowlad Deegaanka lagu wareejiyay dukuminti qeexaya aragtida Jabhadda ee ku aaddan qaabka ugu habboon ee CJWXO loola midaynayo ciidanka ammaanka ee Deegaanka Soomaalida, iyadoo la raacayo qaab-dhismeedka ciidan ee dukumintigaas lagu caddeeyay iyo tirada ciidanka, isla markaana ay Dowlad Deegaanku aqbashay.

Dowlad Deegaanku waxay sheegtay in ciidanka la siin doono duruus lagu soo gabagabaynayo muddo gaaban gudaheed, sidaas darteed waxay Jabhadda si rasmi ah uga codsatay in iyaga loo daayo maamulka ciidanka mudada uu qaadanayo duruusta loogu diyaarinayo ka mid noqoshada ciidammada ammaanka ee Deegaanka Soomaalida.

Jabhaddu, iyadoo ka jawaabaysa codsiga Dowlada Deegaanka, aaminsana in lagu socon doono wixii lagu heshiyay, waxay go’aansatay in ay maamulka ciidanka ku wareejiso Dowlad Deegaanka Soomaalida, hase yeeshee, nasiib darro, Dowlad Deegaanku kama soo bixin xilkii ka saarnaa fulinta hawlihii lagu heshiiyay.

JWXO raalli kama aha qaabka ay Dolwad Deegaanku u maamushay barnaamijkii midaynta CJWXO iyo ciidanka ammaanka ee Deeganka, waxayna rumaysan tahay in Dowlad Deegaanku ay hawlaha CJWXO u maamushay qaab ka baxsan heshiiskii labada dhinac dhex-maray, arrintaasina ay khatar ku tahay nabadgaliyada iyo xasiloonida Deegaanka Soomaalida, oo ka soo duudsanaya waxyeellada dagaalladii iyo xasuuqyadii ba’naa ee mudada dheer ka dhacayay. Wixii dhibaato ah ee maamul-xumadaas ka timaadana waxaa masuul ka ah Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowlada Itoobiya.

Si loo helo xal dhibaatadan lagu furdaamiyo, waxay JWXO codsatay;
In Dolwad Deeganku ay fuliso arrimihii lagu heshiiyay ee ciidammada ku saabsanaa, isla markaana ay kaga dhabayso midaynta CJWXO iyo kuwa ammaanka ee deegaanka, iyadoo raacaysa barnaamijkii arrintaas loo dajiyay.

In baadhis aad u xeel-dheer lagu sameeyo maamul-xumadii dhacday iyo khaladaadka la aaminsan yahay in ay galeen dadkii hawshan maamulayay, isla markaana cadaalada la horkeeno ciddii uu dambi ku soo caddaado.

Dhinaca kale, waxay Dowlad Deegaanku dhawaan shaacisay in hawlaha Jabhadda lagu bixiyay lacag dhan 297 milyan oo Birr. Jabhaddu waxay caddaynaysaa in maamulka lacagtaas ayna shaqo ku lahayn, sidaas darteed waxaan Dowlada ka codsanaynaa in ay faahfaahin ka bixiso qaabka lacagtaas loo maamulay iyo meelaha lagu bixiyay.

Ugu dambayntii, waxay Jabhaddu aad uga xun tahay sida loo maamulay hawlaha CJWXO, waxayna ballanqaadaysaa inayna marna oggolaan doonin in ciidanka loola dhaqmo si aan munaasab ku ahayn, waxayna ka codsanaysaa guud ahaan xubnaha JWXO, gaar ahaan CJWXO in ay ka dhur-sugaan hoggaaminta Jabhadda, kuna kalsoonaadaan in Jabhaddu ay ka shaqaynayso sidii loo sixi lahaa wixii khaldamay ee looga dhabayn lahaa heshiiskii labada dhinac dhex-maray.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO).

April 26th 2019, 9:14 am

Halgame Xasan Macalin Oo Shirkii Qabridahare Lagawaraystay.

Ogaden News Agency

waxaa warbixin dhinacyo badan taaban haysa ka diyaariyay shirkii kalfadhigii golaha dhexe ee Jabahada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya (JWXO) tvga Esat.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in shirkan ay kasoo qayb galeen ergooyin kala duwan oo isugu jira odayaal dhalinyaro culumaa u diin iyo ergo ka socotay maamulka ku meel gaadhka ah ee Somali State.

warbixinta oo dhamaystiran hoos ka daawo.

ONA.

April 26th 2019, 5:26 am

Wafti uu Horkacaayo Afhayeenka JWXO oo Kulan La Qaatay Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada ku Dhaqan Shay

Ogaden News Agency

Madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa saaka Dagmada Shaygoosh kula hadlay dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada.

Waftigan oo uu hogaaminayay Afhayeenka JWXO Halgame Cabdiqaadir Sh Xassan Hirmooge (Cadaani) ayaa habeenimadii xalay ahayd soogaadhay Dagmada Shaygoosh, waxayna maanta Barqinkii si wayn ula hadleen shacabka Gobonimada jecel ee kudhaqan Dagmada Shaygoosh.

Mudane Hirmooge iyo madaxda socdaalka kuwehelisay ayaa dadka ree Shaygoosh uga sheekeeyay marxalada cusub ee halganku uu galay iyo qorshayaasha Jabhada ee ku aadan geedi socodka halganka.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa booqday Hospital-ka Dagmada iyo Dugsiga Sare ee Dagmada, halkaas oo xaaladooda ay soo indha indheeyeen.

Waftigii JWXO ee Dagmada Shaygoosh ayaa usoo dhaqaaqay dhinaca Magaalada Jigjiga, halkaas oo wufuudii JWXO ay maanta kusii qulqulayaan.

ONA.

April 22nd 2019, 6:34 am

Wafti Ka Socda JWXO oo Gaadhay Dagmada Shaygoosh Ee Gobolka Qorahay.

Ogaden News Agency

Waxaa Dagmada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay gaadhay wafti balaadhan oo kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftigan oo uu hogaaminayo Afhayeenka JWXO Halgame Cadaani Hirmooge ayaa kabaxay magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay, halkaas oo uu kasocday Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe JWXO.

Waftigan ayaa sii maray Deegaano badan oo udhaxeeya Shaygoosh iyo Qabridahare sida Galadiid iyo Wijiwaaji, waxayna kulasii hadleen dadwayne aad utiro badan.

Waftiga ayaa ubalansan in ay saaka lahadlaan dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Shaygoosh, kuwaas oo siwayn usoo dhaweeyay.

ONA.

April 22nd 2019, 5:21 am

Bayaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Dhexe ee JWXO.

Ogaden News Agency

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO)

Bayaanka Kalfadhiga 2aad ee Golaha Dhexe ee JWXO

Kalfadhigii 2aad ee Golaha Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa ka qabsoomay magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qorraxey intii u dhaxaysay 15 – 21/04/2019.

Kalfadhigan oo ay ka soo qayb galeen ergooyin ka socda dhammaan bulshada Gobolada uu dalka Soomaalida Ogaadeenya ka kooban yahay oo ay ka mid ahaayeen hoggaamiye dhaqameedyada, Aqoonyahanka, Culimaa’udiinka, Kaadirka JWXO, Ururrada haweenka iyo dhalinyarada, xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta ee JWXO.

Waxaa kale oo ka soo qayb galay marti sharaf ay ka mid ahaayeen Madaxwayanaha Dawlada Deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, xubno ka socday dawladda Federalka ah, Xisbiga talada deegaanka haya ee SDP, Xisbiga SRDA, ururka OLF, Ginbot 7, xisbiga caddaalada iyo sinaanta & ergo ka socotay haya’ada caalamiga ah ee Counciliation Resources (CR).

Kalfadhigan muhiimka ah waa midkii ugu horreeyay oo si xor ah loogu qabto wadanka gudihiisa 26-kii sano ee u dambeeyay.

Kalfadhigu wuxuu tixgalin iyo mudnaan gaar ah siiyay talooyinkii ay soo jeediyeen dhammaan ergooyinkii iyo marti sharaftii ka soo qayb galay Kalfadhiga.

Waxaa sidoo kale tixgalin gaar ah la siiyay talooyinkii ay soo jeediyeen Kaadirka JWXO ee ka qayb qaatay qaybihii hore ee Kalfadhiga.

Kalfadhiga waxaa si qodo-dheer loogu falanqeeyey ajandayaal mug-wayn oo xasaasi ah, waxaana ugu muhiimsanaa kuwan soo socda;

1. Midaynta shacabka Soomlaaliyeed.

2. Qiimaynta isbadalada ka socda geeska Afrika, gaar ahaan isbadallada sida xawliga ah uga socda Itoobiya.

3. Xoojinta hadafka ururka iyo ballaadhita saldhiggiisa shacbi.

4. Qiimaynta xaalada dhaqan-dhaqaale ee dhabta ah ee ka jirta dalka iyo arrimaha la xidhiidha khayraadka dabiiciga ah.

4. Dajinta barnaamijka siyaasadeed iyo istaratiijiyada guud ee JWXO ee mudada dhaw, dhexe iyo midda fogba.

5. Dib u-eegidda iyo ansixinta xeerarka kala duwan ee ururka.

6. In kor loo qaado heerka abaabulka iyo wacyigalinta shacabka Soomaalida Ogaadeenya, Gude iyo Dibadba, iyadoo la adeegsanayo xirfad, aqoon iyo nidaamka nabadgalyo.

Kalfadhigu waxa u si qodo-dheer oo mug wayn u falanqeeyay qodobada kor ku xusan wuxuuna ka gaadhay go’aamo dhaxalgal, isagoo bixiyay tilmaamo ku haboon marxalada lagu jiro.

Kalfadhiga waxaa ku lammaansanaa Shirwayne aan caadi ahayn oo ay ka soo qayb galeen xubnaha ururka oo dib u-habayn loogu samaynayay ururka, si loo buuxiyo shuruudaha diiwaan galinta.
Kalfadhigu wuxuu hoosta ka xarriiqay in ay midnimada shacabka Soomaalida Ogaadeenya tahay muqadas iyo inay muhiim tahay hanashada guusha iyo xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

JWXO waxay isu diyaarisay geedi galinta halgan nabadeed oo xaqiijinaya higsiga ummada Soomaaliyeed, iyada oo dhisi doonta bulsho mid ah iyo nidaam dawladeed oo karti u leh buuxinta filashada shacabka Soomaalida Ogaadeenya, sida ku cad barnaamijka siyaasiga ah ee JWXO.

JWXO waxay u taagan tahay difaaca iyo ilaalinta xaqa ay shucuubtu u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, sida uu dhigayo nidaamka federaalka ah ee dalka ka jira.

Kalfadhigu wuxuu go’aamiyay in muddo 4 bilood gudohood ah lagu qabto Shirwayne Qaran, kaasoo lagu dajin doona qorshayaal cad-cad, laguna ballaadhin doono ururka JWXO iyo hay’adihiisa hoggaamineed, si loo taabo-galiyo, loona tayeeyo u adeegidda danta shacabka deegaanka Soomaalida.

Wuxuu sidoo kale Goluhu bogaadin u soo jeediyay shacbiga geesiga ah ee Qawmiyadda Somaliyeed, oo u dhabar adaygay xasuuqii iyo xadgudubyadii bani’aadamnimada ka baxsanaa ee dawladda itoobiya u gaystay, kuna mintiday sidii ay himiladooda u gaadhi lahaayeen, xaquuqdooda kalana u heli lahaayeen.

Waxaa kaloo ammaan loo soo jeediyay Jaaliyadaha dibada oo qayb libaax ka qaatay halganka shacabka Soomaalida Ogaadeenya.

Kalfadhigu wuxu bogaadiyay wada-shaqaynta ka dhaxaysa JWXO iyo maamulka dawlad deegaanka Soomaalida, isagoo dhiiri galiyay sii xoojinta wada-shaqayntaas.

Wuxuu Kalfadhigu ugu baaqayaa dawladda Federalka ee Itoobiya, dawlad deegaanka Soomaalida iyo ha’yadaha caalamiga ah in ay si deg-deg ah ula soo gaadhaan daryeel dadkii ku waxyeelloobay halganka mudada dheer socday, dadkii xasuuqa iyo xadgudubyada loo gaystay iyo dadkii deegaanadooda laga bara-kiciyay.

Kalfadhigu wuxuu soo dhawaynayaa isbadalka dimoqraadiyadeed ee billowga ah ee Itoobiya ka curtay, kaasoo uu hurmuud ka yahay ra’isul-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.

Canbaarayn
kalfadhigu markuu dhagaystay warbixino iyo xogo kala duwan wuxuu cambaareeyay cid kasta oo doonaysa in ay hor-istaagaan ama ay dib u celiyaan isbadallada ka curtay dalka, gaar ahaan deegaanka Soomaalida.

Midnimo, Mintid, Iskutashi, Guul.

Golaha Dhexe ee JWXO
April 21, 2019.

Qabridahare, Qoraxay.

April 21st 2019, 3:43 pm

Jaaliyada Ogadenia ee ka Howlgasha Edmonton oo Maamul Cusub Dooratay.

Ogaden News Agency

Xafiiska Jaaliyada S/Ogadenia ee Magaalada Edmonton Caasimda Alberta  Wadanka Canada ayaa waxaa shalay  ka dhacay shirweynihii Jaaliyda Ogadenia Gobalka Alberta.

Shirkan ay ka soo qeyb galeen qaybaha kala duwan ee jaaliyada Ogadenia,waxaa lagu soo bandhigay qodoba dhowr ah sida qaab dhoorashada Jaaliyada,wax qabadkii Maamulkii xilku ka dhamaaday,doorashada maamulka cusub,Abaal marino kala duwan iyo ugu danbayn Talo iyo dar daaran lagu sabootiyay maamulka cusub ee shirka  lagu doortay.

Doorashada oo u dhacday qaab gacan taag ah ayaa waxaa ku guuleystay inay majaraha u qabtaan jaaliyada Ogadenia ee Gobalka  Alberta  Macyadan hoos ku xusan.
Gu/ Ismail Ader.
Ku/Deeq Abdirasin
Dhaqaalaha/ Fadumo Aden
Diin/ Faysal  Osman
Ururka/Cubeed  Xaafid
Arimaha Bulsha /Mahamoud Djabouti
Iyo ugu danbeyn Saxaafada
Abdinur Abdullahi.
Shirkan ayaa ku soo dhamaaday guul iyo jawi farxadeed.

ONA.

Edmonton.

April 21st 2019, 1:10 pm

Kalfadhigii Golaha Dhexe Ee Jabhada ONLF oo Kusoo Dhamaaday Si Guul Ah.

Ogaden News Agency

Waxaa gabi ahaanba si guul ah kusoo gabagaboobay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ( JWXO) ee todobaadkan kasocday Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Kulankan oo socday mudo 7 bari ah ayaa lagu dajiyay qorshayaasha cusub ee ladoonayo in lagu hago umuuraha dalka iyo dadka Ogadenia, waxaana kasoo baxay qodobo masiiri ah oo wax ku ool ah.

Warsaxaafadeedkii ay madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) soosaareen filo goordhaw hadii Alle Idmo.

ONA.

April 21st 2019, 11:42 am

Jaaliyada Ogaadeniya Ee Norway oo Dooratay Gudoomiye Cusub.

Ogaden News Agency

waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa isugu yimaaday Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Norway, kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin Jabhadeed oo uu kamid yahay Halgame Rayaale Xaamud iyo Halgame Cabdi Bashiir.

Shirkan ayaa waxaa lagu doortay gudoomiye cusub oo Jaaliyada Yeelan doonto sanadahan soo socda waxaana loo doortay Mudane Nuur Khaliif Carte oo kamid ahaa Maamulka Jaaliyada soomaalida Ogaadeniya ee Norway.

Shirkan ayaa waxaa qudbado muhiima kasoo jeediyay Masuuliyiinta kala duwan ee JWXO ee ku sugnaa shirka waxaa kale qudbad kasoo jeediyay Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Norway Halgame Khaliif Cabdi Cali.

Shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guu ah waxaana maamulka cusub laga sugaayaa inay hirgaliyaan qorshaha iyo hawlaha Jaaliyada ee loo igmaday.

ONA/Oslo.

April 20th 2019, 3:59 pm

Kulankii Gaarka Ahaa Ee Golaha Dhexe oo Maalintii 3 aad Galay.

Ogaden News Agency

Waxaa maalintii 3aad galay Kulankii gaarka ahaa ee Xunbaha Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo Todobaadkan kasocday Magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Kulankan oo saxaafadu ay dibad joog katahay ayaa lagu wadaa in uu galabta soo gabagaboobo, waxayna madaxdu warfidiyeenka lawadaagi doonaan wixii kasoo baxay kulankii mudada dheer socday.

Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO ee magaalada Qabridahare kasocda oo ah mid taariikhda galay ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo mudo dheer ka qabsooma wadanka Ogadenia.

Wixii kasoo kordha Isha kuhayay Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA)

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 20th 2019, 6:55 am

Kulankii Gaarka Ahaa ee Xubnaha Golaha Dhexe oo Maalintii 2 aad Galay.

Ogaden News Agency

Waxaa maalintii 2aad galay Kulankii gaarka ahaa ee xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo kasocday magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Kulankan gaarka ah ayaa lagu gorfaynayaa aragtidii iyo talooyinkii Salaadiinta wadanka iyo howl-wadeenka JWXO ay baryihii Ina dhaafay madaxda JWXO siinayeen, sidoo kale kulanka ayaa lagu dajinayaa qorshayaasha Jabhada ee xiliyada fooda inagusoo haya hadii Alle Idmo.

Kulanka Xunbaha Golaha Dhexe ee JWXO oo qodobo aad umugwayn lagaga doodayo ayaa siisocon doona ilaa maalinta bari ah hadii Alle Idmo, waxaana lagu wadaa in madaxdu ay soosaaraan warsaxaafadeed ay bulshada ugu cadaynayaan qorshayaasha cusub ee Jabhada.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 19th 2019, 4:33 am

Ogaysiis: Shirwayhii 4 aad ee Ururka Dhalinyarada OYSU ee Heer Aduun oo Jig Jiga Lagu Qaban doono.

Ogaden News Agency

waxa Magaalada Jig Jiga ee Xarunta gobolka Faafan lagu qaban doonaa shirwaynihii 4 aad ee Ururka dhalinyarada iyo ardayda Soomaalida Ogaadeniya (OYSU) wuxuuna socon doonaa  mudo 3 Maalmood ah.

Shirka ayaa waxaa la furi doonaa 17 July ee Sanadkan wuxuuna soo xidhmk doonaa 21 july ee sanadkan.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb gali doonta wufuud kala duwan oo heer caalami ah kuwaasi oo kala imaan doonaa Gobolada Ogaadeniya iyo qaaradaha aduunka oo dhan.

wixii faah faahina intaas dheer hoos kasii fiiri.

ONA.

April 18th 2019, 3:16 pm

Shirkii Golaha Dhexe Ee Galabta oo Guul kusoo Dhamaaday.

Ogaden News Agency

Waxaa si nabad ah kudhamaaday Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO ee kasocday hoolka shirarka ee magaalada Qabridahare.

Shirka maanta oo uu kasoo qayb galay Madaxwaynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah.

Furitaanka kadib ayaa makarafoonka loo gacan galiyay Xoghayaha Guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) halgame Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maaday) wuxuuna Xoghayuhu hadalo kooban kadib Soo dhaweeyay Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Gudoomiyaha JWXO ayaa hadalo bogaadin ah kadib soodhaweeyay Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar oo shirka Marti ku ahaa, wuxuuna Mudane Mustafe soojeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Madaxwayne Mustafe ayaa aad uga hadlay dhinaca Midnimada isagoo sheegay in hadii midnimo lawaayo la inagumaysan doono.

Sidoo kale Mustafe ayaa sheegay in maanta wax badan oo dhibaatooyin ahaa oo wadanka shalay kajiray uusan kajirin hada, wuxuuna intaas raaciyay in xoriyatul qowlku uuyahay qayb hormarka Bini’aadamka kamid ah.

Gabagabadii waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday kulankii madaxda iyo Xubnaha JWXO iyo waliba Madaxwayne Mustafe, wuxuuna kulanku soodhamaaday iyadoo madaxda kulantay ay shafka isku salaamayeen.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 18th 2019, 9:41 am

Golaha Dhexe Ee JWXO oo Galay Shir Albaabadu uxidhan Yihiin oo Golaha Dhexe u Gaar ah.

Ogaden News Agency

Waxaa saaka Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay kafurmay Shir gaar ah oo qayb ka ahaa kalfadhigii Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen Xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO ayaa kufurmay jawi dagan, waxaana lagu qaadaa dhigay qodobo masiiri ah iyo waliba habka loogeedi galin lahaa halgankii shacabka Soomaalida Ogadenia ay soogaleen oo hab nabad u kusii socda.

Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo ah meesha ay talada Ururku ka go’do ayaa si mug leh ufalan qeeyay soojeedintii Cuqaasha iyo salaadiinta dalka Ogadenia, iyo talooyinkii Kaadirka JWXO ee lexjeclada badan ay Soo gudbiyeen.

Fadhiga gaarka ah ee Xunbaha Golaha Dhexe ee JWXO ayaa lagu wadaa in uu ilaa maalinta bari ah siisocdo, waxaana laga filayaa wax wayn oo dan u ah dalka iyo dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia ee cadaalad daradu ay soodaashatay.

Wixii kasoo kordha fadhiga gaarka ah ee Xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 18th 2019, 9:41 am

Madax waynaha Deegaanka oo Kasoo Qayb Galay Kalfadhigii Golaha Dhexe JWXO Ee Qabri Dahare Ka Socday.

Ogaden News Agency

Waxaa hada hoolka Shirarka ee magaalada Qabridahare kafurmay Shir muhiim ah oo uu kasoo qayb galay madaxwaynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar.

Madaxwayne Mustafe oo socdaal shaqo kujooga Magaalada Qabridahare ayaa kasoo qayb galay shirka Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) uga socda magaalada Qabridahare.

Madaxwayne Mustafe ayaa lagu wadaa in uu khudbad kasoo jeediyo shirka hadii Alle Idmo, waxaana madaxwaynaha socdaalkiisa kuweheliya qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Dhinaca kale waxaa hoolka Shirarka ee magaalada Qabridahare fadhiya madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha JWXO iyo Xoghayaha Guud ee JWXO iyo guud ahaan xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO.

Kulanka oo hada bilowday wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 18th 2019, 8:08 am

Shirkii Hawul Wadeenka JWXO & Madaxda ONLF oo Guul kusoo Dhamaaday.

Ogaden News Agency

Waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday shirkii howl-wadeenka iyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo maanta ka qabsoomay guriga Martida ee Magaalada Qabridahare.

Kulankan oo ahaa mid aad muhiim u ah ayaa siwayn looga dooday qodobo masiiri ah, waxayna xubnuhu si hufan u qaadaa dhigeen qodob doodeedkii ay Madaxda JWXO soodhigeen.

Howl-wadeenka JWXO oo ah mishiinka ama awooda uu halganku kusocday ayaa madaxda lawadaagay habka ay doonayaan in wax loodhaqaajiyo.

Sidoo kale howl-wadeenka Jabhada ayaa madaxdooda kubogaadiyay hayaankii dheeraa iyo xiligii adkaa oo ay si geesi nimo leh usoo hogaamiyeen, waxayna howl-wadeenku sheegeen in wali loobaahan yahay dadaalkii ay shacabku u hayeen.

Dhinaca kale madaxda JWXO ayaa Kaadirka iyo howl-wadeenka Jabhada ku amaanay kaalintii dahabiga ahayd ee xiligii adkaa ay sooqaateen iyo sida ay hada usii wadaan howlaha halganka oo la’aantood aan lawadeen.

Intaas kadib madaxda iyo howl-wadeenka JWXO ayaa Isla gartay habka ladoonayo in howlaha halganka loosii wado si nabad ah, waxaana guul iyo is af garad kusoo dhamaaday kulankii maanta dhex maray madaxda Jabhada iyo howl-wadeenka JWXO.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 17th 2019, 1:13 pm

Kaadirka JWXO iyo Madaxda Jabhada ayuu Maanta ubilawday Kulan Muhiima.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay ka furmay Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Howl-wadeenka JWXO iyo Madaxda JWXO kaasoo hada ka furmay magaalada Qabri dahare.

kulankan ayaa wuxuu u gaar yahay xubnaha iyo madaxda Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya waxaana lagu lafa guri doona arimo badan ku saab san halganka Ogaadeniya.

Faah faahinta waan idinla socod siin doonaa.

ONA.

  

April 17th 2019, 5:22 am

Dag-Dag: Kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO oo dhawaan Furmaya.

Ogaden News Agency

Waxaa goor dhaw Magaalada Qabridahare si rasmi ah uga furmi doona Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO, kaas oo loo balan sanaa in uu furmo maanta oo Isniin ah.

Shirkan oo ah mid muhiim ah Isla markaana ay kasoo qayb galeen wufuud aad ubadan oo ka kala timid guud ahaan Gobolada Ogadenia iyo dunida kalaba.

Shirkan ayaa wuxuu yeelan Doonaa Sadex waji oo kala duwan, waji guud oo ergooyinka kala duwan Dhamaantood kaqayb gali doonaan, Waji Khaas unoqon doona Xubnaha JWXO ee Hawlwadeenka heerarkooda kala duwan, iyo Wajiga Muhiimada gaarka ah leh ee Xubnaha GOLAHA-DHEXE ku qabsanayaan Kalfadhigoodii Caadiga ahaa ee markan waxbadan kaga badalan kuwii ka horeeyay.

Magaalada Qabri-dahare ayaa si wayn looga dareemayaa Jawiga Shirku ku Qabsoomayo oo farxad leh awadeed.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Qaybtii 4aad Ee Shirkii Golaha Dhexee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Oo Hada Dib Ufurmay.

Ogaden News Agency

Waxaa hada dib ufurmay qaybtii 4aad ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kasocday magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay.

Shirkan oo galay maalintiisii 2aad ayay galabta isku arki doonaan, xubnaha JWXO iyo xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Madaxda JWXO ayaa ugu horaynba xubnaha siindoona warbixinada heerkooda ah, iyagoo uga jawaabi doona su’aalaha ay xubnuhu tabayaan in laga jaahil tiro.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa xubnaha uqeexi doona qorshaha iyo shaqada laga doonayo xubnuhu in ay qabtaan, iyagoo siindoona qorsha shaqeedka cusub ee Jabhada.

Shirka oo hada uun furmay wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

 

April 16th 2019, 10:47 pm

Waxaa Wali Lagu Jiraa Qaybihii Dhexe Ee Shirkii Golaha Dhexe oo Maalintiisii Labaad Galay.

Ogaden News Agency

Waxaa lasii dhex musheexayaa qaybihii dhexe ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo galay maalintii labaad ee shirka.

Waxaa qaybtii hore ee shirka saaka si mug leh uga hadlay Odayaasha Dhaqanka ee wadanka Ogadenia, waxayna odayaashu siwayn usoo dhaweeyeen guud ahaan halgankii dheeraa ee shacabka Soomaalida Ogadenia ay soogaleen, iyo madaxdii JWXO ee halganka hogaaminaysay.

Sidoo kale Odayaasha ayaa bixiyay talooyin wax ku’ool ah, iyagoo soodhigay ama jeexay wadadii shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia lagu hagi lahaa.

Qaybaha kale ee shirka kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Deg Deg: Waxaa Hada Furmay Kalfadhiga Golaha Dhexe ONLF ee Qabridahare Kasocday.

Ogaden News Agency

Waxaa hada furmay Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo ay kasoo qayb galeen inta badan xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO, qaar kamid ah Kaadirka JWXO iyo waliba Marti sharaf aad utiro badan.

Shirkan oo ah mid aad muhiim u ah ayaa galay maalintiisii 2aad, waxaana qaybta hore ee maanta fursad lasiinayaa Madaxda Dhaqanka Soomaalida Ogadenia oo siwayn uga soo qayb galay.

Shirkan oo lagu wado in ay wax wayn kasoo baxaan ayaa sii socon doona dhowrka bari ee inagu Soo aadan, wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Shirkii Kalfadhigii Golaha Dhexe Ee JWXO oo Si Guul Ah Ku dhamaaday Maalintii Labaad.

Ogaden News Agency

Waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday qaybtii 4aad ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Shirka oo ahaa mid ay isku arkeen xubnaha iyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa sooxidhmay goor dambe oo makhribkii ah, wuxuuna kulanku ahaa mid ay si wayn isugu xog waraysteen madaxda JWXO iyo xubnaha Jabhada ee shirka kasoo qayb galay.

Xoghayaha Guud ee JWXO Halgame Cabdiraxmaan Maadey ayaa xubnaha uga warbixiyay wadadii dheerayd ee lasoo maray iyo meesha loosocdo, wuxuuna Xoghayuhu tilmaamay in guushii shacabku ay dhawdahay hadii aan dadaalo.

Xubnaha JWXO ayaa dhankooda Madaxda waydiiyay su’aalo kusaabsan geedi socodka halganka iyo masiirka shacabka, waxaana su’aalaha xubnaha si hufan uga jawaabay madaxdii shirka fadhiday, waxaana siwayn jawaabaha ugu qancay xubnaha JWXO.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa si guul iyo nabad ah kusoo dhamaaday kulankii maanta waxaana loobalansan yahay qaybo kale oo kamid ah shirka Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Maalintii Koobaad Ee Kalfadhigii Golaha Dhexe Ee JWXO oo Guul Kusoo Dhamaaday.

Ogaden News Agency

Waxaa si guul ah ku dhamaaday qaybtii 1aad ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo saaka kafurmay hoolka Shirarka ee Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay.

Shirkan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen inta badan dadka ugu magaca wayn wadanka Ogadenia iyo waliba qaar kasocday dunida kale, ayaa maanta ubadnaa Khudbado ay soojeediyeen qaar kamid ah madaxdii shirka kasoo qayb gashay.

Madaxdii maanta khudbadaha muga leh Soo jeediyay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, Xoghayaha Guud ee JWXO mudane Cabdiraxaan Sh Mahdi, wakiilka madaxwaynaha DDS Mustafe Muhumed Cumar, wakiil kasocday Ururka Sarda, wakiil kasocday Ururada OLF, Gimbot 7 iyo Siyaasiyiin kale.

Dhamaan madaxda hadashay ayaa dadka Soomaaliyeed ee Ogadenia kunool urajeeyay nabad iyo xoriyad, waxayna madaxdu kudheeraadeen Midnimada iyo ahmiyada ay leedahay.

Sidoo kale madaxda ayaa Dowlada Itoobiya uga mahad celiyay nabada Geeska Africa oo ay hormuud utahay, waxayna madaxdu Raysal-wasaaraha wadanka Itoobiya Abiya Axmed ka codsadeen in uu kadhabeeyo balan qaadkiisii iyo talaabooyinkii uu horay uqaaday.

Qaybta 2aad ee kulanka ayaa bilaaban doona galabta hadii Alle Idmo, waxaana galabta khudbado jeedin doona Madaxda Dhaqanka Soomaalida Ogadenia oo intooda badan ay kulanka fadhiyaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Kal Fadhigii Golaha Dhexe Ee JWXO Maalinti 2 aad Qaybtii Hore oo Hada Soo Dhamaatay.

Ogaden News Agency

Waxaa si guul ah kudhamaaday qaybtii 1aad ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kasocday hoolka Shirarka ee magaalada Qabridahare.

Shirka oo galay maalintiisii 2aad ayaa loobalan sanyahay in galabta dib la’isugu soolaabto, waxaana lasii gudagali doonaa qorobada kala duwan ee shirka hadii Alle Idmo.

Qaybtii hore ee shirka maanta ayaa ahaa mid ay Odayaashu siwayn usoo jeedinayeen talooyinkooda iyo aragtida ay kaqabaan halganka ay shacabka Soomaalida Ogadenia kujiraan mudada dheerna kusoo jireen.

Madaxda iyo Kaadirka JWXO ayaa dhankooda siwayn uqaatay talooyinka wax ku’oolka ah ee dhinaca Odayaasha ka imaanayay. Waxayna madaxda JWXO iyo Kaadirkuba balan qaadeen in ay qaadanayaan soojeedinta wax garadkooda.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Shirkii Golaha Dhexe Ee JWXO oo Galabta Si Guul Ah Kusoo Dhamaaday Maalintii Koobaad.

Ogaden News Agency

Waxaa goor dambe oo galabta ah guul kusoo dhamaaday Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo saaka kafurmay Magaalada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay.

Shirka galabta oo ahaa qaybtii 2aad ee Kulanka ayaa lagu qaadaa dhigay umuuro waawayn, waxaana galabta Khudbado taariikhi ah jeediyay qaar kamid ah madaxda Dhaqanka ee wadanka Ogadenia.

Madaxda Dhaqanka oo ahaa kuwo aad umiisaan culus ayaa madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) siiyay takooyin aad ubadan, iyagoo qeexay wadada ay u arkaan in guul iyo hormar lagu gaadhi karo.

Madaxda Dhaqanka ayaa si midaysan usheegay in ay taageersan yihiin Isla markaana taageeri doonaan mowqafka JWXO ee ah Nabad, Hormar iyo xoriyad gaadhsiinta shacabka Soomaalida Ogadenia.

Hogaanka Dhaqanka ee shirka Kalfadhiga Golaha Dhexe ee JWXO kasoo qayb galay ayaa sheegay in madaxda JWXO ay ahaayeen kuwo shacabka ku hogaaminayay hilin toosan, waxayna Odayaashu sheegeen in ay uga dambaynayaan howlaha Siyaasada.

Kulanka oo baryaha fooda inagu soohaya siisocon doona hadii Alle Idmo kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Deg-Deg: Kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO oo si rasmi ah uga furmay Magalada Qabri-Dahar.

Ogaden News Agency

Waxaa hada hoolka Shirarka ee magaalada Qabridahare si habsami leh uga socda shirkii balaadhnaa ee ay kasoo qayb galeen wufuuda kala duwan ee dalka iyo Dibada isaga yimid.

Shirkan oo ah mid aad muhiim u ah waxaa kasoo qayb galay Ugaasyo, Garaadyo, Suldaamo, Culimo, Siyaasiyiin iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan oo ah kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO ayaa socon doona dhowrka bari ee fooda inagu soohaysa.

Hadba meesha ay wax marayaan kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Qaybtii Labaad ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe Ee JWXO oo Dib Loofuray.

Ogaden News Agency

Waxaa hada hoolka shirarka ee Magaalada Qabridahare kasocda qaybtii 2aad ee Shirkii Kalfadhiga Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) kaas oo saaka kafurmay magaalada Qabridahare.

Shirka ayaa galabta galay qaybtii ugu xaasaasi sanayd waxaana si toos ah usocda khudbadihii Oday dhaqameedka Soomaalida Ogadenia, waxayna odayaashu si qurux badan ula hadlayaan kasoo qayb galayaasha kulanka taariikhiga ah ee kasocda magaalada Qabridahare.

Odayaasha oo ay kujiraan Ugaasyo, Garaadyo iyo Suldaamo magac iyo maamuus ku dhex leh shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa si mug leh uga xog waramaya wixii ay usoo joogeen, iyagoo bixinaya talooyin wax ku ool ah.

Shirka oo wali socda wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Qabridahare.

April 16th 2019, 10:47 pm

Hogaamiyihii Afgambigii Suudaan Cawad Ibnu Cowf oo Iscasilay

Ogaden News Agency

Madaxa Golaha Milateriga ee Suudan ayaa xilka banneeyay maalin uun kaddib markii uu hogaamiyay afgambi xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray ee Cumar Xasan al-Bashiir.

Wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibnu Cowf ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka. Waxa uuna xilka ku wareejiyay Cabdulfataax Burhaan oo ah hogaamiye kale oo milateri. Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dibadbaxayaashu ay diideen inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyayaasha afgambigu ay aad ugu dhaw yihiin Mr Bashiir.

Milateriga ayaa waxa uu ku adkaystay inuusan doonayn inuu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan dibadbaxayaasha. Xil ka tuurista Mr Bashiir ayaa timid kaddib bilooyin ay socdeen deganaanshiyo la’aan bilowday bishii Diseembar kuwaas oo ka kacay sicirka oo sare u kacay. Ugu yaraan 38 qof ayaa la dilay intii ay dibadbaxyadu socdeen.

Mr Ibnu Cowf ayaa madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ninkaasi 2007. Dibadbaxayaasha ku sugan magaalada Khartuum ayaa debaaldegay markii uu xilka banneeyay.

Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan, kaas oo si weyn uga soo shaqeeyay in dibadbaxyadu ay dalka ku baahaan, ayaa sheegay in go’aanka Mr Ibn Cowf uu xilka ku banneeyay uu yahay mid “taariikhi ah” oo u soo hoyday dibadbaxayaasha.

Dibadbaxayaashu waxa ay dalbanayaan in xukuumad madani ah xilka lagu wareejiyo ka hor inta aanay guryahooda ku laaban.

April 13th 2019, 3:48 am

Dhakhaatiir Cuban ah oo Laga Afduubtay Dalka Kenya.

Ogaden News Agency

Koox hubeysan ayaa laba dhakhtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo kale toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dhakhaatiirta.

Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhakhaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen bartamaha magaalada Mandheera.

Lama yaqaano xaaladda uu ku sugan yahay sarkaalka labaad ee booliska ah. Owino ma sheegin cidda fulisay weerarka. Hase yeeshee, kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kuwaas oo rayid iyo shaqaale amni lagu dilay.

April 13th 2019, 3:48 am

ONLF oo Ka Qayb Gashay shir Shuruucda Itoobiya Dib Loogu Eegayo oo Adiss Ababa Ka Socda.

Ogaden News Agency

Shiirkan oo hadda ka socda magaalada Addis Ababa oo lagaga hadalayo arrimo muhiim ayaa la filayaa inuu qaato saacado badan oo doodo kala duwan yeelandoona.

Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya & gudiga doorashada Itoobiya Waxaana kasoo Qayb galay Dhamaan ururada siyaasada Mucaarad & Muxaafadba.

wufuud JWXO oo uu horkacayo Gudoomiyaha Siyaasada Jwxo ahna Madaxa Xafiiska Jwxo ee Addis-Ababa Xasan Aw Macalin ayaa ka qayb galay kaalin muhiim ahna ka qaadanaya kulankan.

Muhiimada ugu wayn ee shirkan ayaa ah dib u eegida shuruucda wadanka u yaala iyo sidii wax looga badali lahaa isagoo la ogsoonyahay in mudadii hada ka horaysay Shuruucda dalku uqaabaysnay Guumayste & Laguumayste.

Wixii kasoo Baxa kala soco Wakaalada wararka Ogaadeenia ee ONA.

ONA / ADDIS-ABABA

April 12th 2019, 5:38 am

ONLF oo 27 Sano Kadib Xafiiskeedii Dib Maanta uga Furtay Magaalada Adiss Ababa.

Ogaden News Agency

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ugu wareejisay xagiiskii Jabhada ee magaalada Addis Ababa.

Dowlada Federaalka ayaa saaka Xafiiska ku wareejisay Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO, Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim, wuxuuna Gudoomiye Xassan si rasmi ah ula wareegay Xafiiska JWXO ee magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee magaalada Addis Ababa ayaa laxidhay kadib markii dagaalku uu kaqarxay Wadanka Ogadenia, wuxuuna Xafiiska JWXO ee Addis Ababa, xidhnaa mudo 27 sano kabadan.

Arintan ayaa kadambaysay kadib markii Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu Amar kubixiyay in dib loofuro dhamaan xafiisyadii JWXO ee kuyaalay guud ahaan wadanka, kuwaas oo uu kujiray Xafiiskii JWXO ee Addis Ababa.

Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO mudane Xassan Macalim ayaa Wakaalada Wararka Ogadenia ONA usheegay in Maanta Lagu wareejiyay afiiska oo Isla hadaba ay bilaabatay qalabayntiisu.

Halgame Xassan Macalim ayaa intaas kudaray in furitaanka Xafiiska JWXO ee Addis Ababa ay kasoo qayb gali doonaan siyaasiyiin iyo dad magac kuleh bulshada, isagoo xusay in xiliga xaflada furitaanka lashaacin doono goor aan fogayn hadii Alle Idmo.

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo dabayaaqadii sanadkii tagay heshiis nabadeed lasixiixatay Dowlada Itoobiya, ayaa kuhowlan furitaanka xafiisyadii JWXO ee guud ahaan wadanka Ogadenia, waxaana ilaa hada lafuray inta badan xarumihii Jabhada ee Gobolada iyo Dagmooyinka Wadanka.

ONA.

April 11th 2019, 7:00 am

G/Xafiiska Siyaasada & Xidhiidhka Heerka Faderal oo Kulan La Qaatay Dhalintii soo Qaban Qaabisay Shi

Ogaden News Agency

Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim ayaa kulan mahad naq iyo bogaadin ah uqabtay dhalintii sooqaban qaabisay shirkii taariikhiga ahaa ee kadhacay magaalada Addis Ababa.

Gudoomiye Xassan Macalim ayaa ugu horaynba bogaadiyay dhalinta Soomaaliyeed ee kusugan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo sida uu Gudoomiyuhu sheegay utaagan danaha shacabkooda iskuna xidhan.

Gudoomiye Xassan ayaa dhalinta uga mahad celiyay sidii ay uga sooshaqeeyeen kulankii balaadhnaa ee kaqabsoomay magaalada Addis Ababa, kaas oo sida uu Gudoomiyuhu sheegay lahaa ahmiyad gaar ah.

Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka heer Faderal ee JWXO mudane Xassan Macalim ayaa dhalinta usheegay in xafiiskiisu uu ahmiyad siindoono dhinaca waxbarashada iyo Arimaha kale ee dhalinta caqabadaha ku ah, isagoo dhalinta ugu baaqay Midnimo iyo is ogaansho.

Kulankii dhex maray Gudoomiye Xassan Macalim iyo dhalinta Soomaaliyeed ee magaalada Addis Ababa ayaa kudhamaaday guul waxaana lagu balamay iskaashi iyo wada shaqayn.

ONA.

April 9th 2019, 3:48 pm

Waftigii JWXO oo Hada Si Nabad Ah Kusoo Gaadhay Magaalada Jig Jiga.

Ogaden News Agency

Waxaa si nabad ah magaalada Jigjiga kusoo gaadhay Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee kujiray socdaalka Hayaanka Guusha.

Socdaalkan taariikhiga ah oo mudo bil ah qaatay ayaa lagusoo maray inta badan Gobolada iyo Dagmooyinka Wadanka Ogadenia, waxayna waftigu si hufan ugudbiyeen fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal.

Xubnaha Unugta JWXO ee magaalada Jigjiga ayaa waftiga JWXO usameeyay soodhawayn balaadhan, iyagoo waftiga kaga hortagay in kabadan 20 KM.

Waftiga oo Hada uun soogaadhay magaalada Jigjiga ayaa loogalbiyay meelihii loogu tala galay, waxaana Mahad dhamaanteed iska leh Allaah SW.

Tuuladiid.
ONA Jigjiga.

April 8th 2019, 11:44 am

Kulanwaynihii JWXO & Dhalinta Dhagaxbuur oo si Habsamileh uqabsoontay.

Ogaden News Agency

Kulanwaynihii JWXO & Dhalinta Dhagaxbuur oo si Habsamileh uqabsoontay.

Waxaa si nabad ah kusoo dhamaatay xaflad aad uqurux badan oo Dhalinyarada Magaalada Dhagaxbuur ay uqabteen Madaxda JWXO ee booqashada kujooga magaalada Dhagaxbuur.

Xafladan oo ahayd mid siwayn looga soo shaqeeyay ayaa ka dhacday hoolka Shirarka ee magaalada Dhagaxbuur, waxaana hoolka siwayn usoo camiray dhalinyaro aad uxamaasadaysan oo kulabisan calanka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Madaxda JWXO ayaa ugu horaynba dhalinta uga xog waramay meesha laga yimid iyo meesha loosocdo, waxayna dhalinta kudhiiri galiyeen in ay amaanka kashaqeeyaan Isla markaana xaqooda si aan cabsi lahayn usoo dhacsadaan.

Dhalinta ayaa dhankooda Madaxda JWXO ee Hogaanka uhayay halganka ubalan qaaday in ay siwayn ulashaqaynayaan Isla markaana qaadanayaan go’aanada wanaagsan ee JWXO ay diyaatisay.

Kooxaha suugaanta ee OYSU iyo Midnimo ayaa dhankooda soobandhigay suugaan halgameed dhiiga bulshada kiciyay Isla markaana lajaan qaadaya waaqica lagu jiro.

Kulankii dhalinta Dhagaxbuur iyo Madaxda JWXO ayaa kusoo dhamaaday si nabad ah waxayna dhalintu madaxdooda usagootiyeen si wanaagsan.

Madaxda JWXO oo soodhamaystay socdaal bilqaatay ayaa kusii jeeda Magaalada Jigjiga, halkaas oo ahayd meeshii ay horaantii bishii hore kasoo kicitimeen.

Socdaalka Hayaanka Guusha.

Tuuladiid.
ONA Dhagaxbuur.

April 8th 2019, 5:20 am

Deg Deg: Kulan Abaabul is Xog-Waraysi ah oo Dhex maraya Madaxda Wufuudii JWXO & Dhalinyarada Dhagax-

Ogaden News Agency

Deg Deg: Kulan Abaabul is Xog-Waraysi ah oo Dhex maraya Madaxda JWXO & Dhalinyarada Dhagax-Buur.

waxaa hoolka Shirarka ee magaalada Dhagaxbuur hada Kafurantay Xaflad aad ubalaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda JWXO iyo Dhalinyarada Magaalada Dhagaxbuur.

Xaflada oo hada uun furantay ayaa larajaynayaa in si wayn la isula faaqido loona lafa-guro hawlihii Halganka, Hayaankii dheeraa ee lasoo Maray iyo Marxalada Xiligan lamarayo.

Iyadoo larajaynayo in Talooyin wax ku ool ah laga dhagaysto Xubnaha Dhalinyarada Magaalada Dhagaxbuur ee Halka Soo Buux-Dhaafiyay.

faahinteeda kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

 

ONA / Dhagaxbuur

April 8th 2019, 3:36 am

Madaxda JWXO oo Kulan La Qaatay Ururka Haweenka Magaalada Dhagax Buur.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee magaalada Dhagaxbuur kasocda Shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxda JWXO iyo Dumarka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Magaalada Dhagaxbuur.

Kulankan oo ah mid ay madaxda JWXO uqabteen Gabdhaha Dhagaxbuur ayaa ugu horaynba kubilowday warbixin waafi ah oo madaxdu ay siiyeen gabdhaha kudhaqan Magaalada Dhagaxbuur, waxayna madaxdu aad uga warbixiyeen maraxada cusub ee lagalay iyo wadadii dheerayd ee lasoomaray.

Shirkan oo wali socda kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Dhagaxbuur.

April 7th 2019, 2:26 pm

Shirkii Odayaasha Dhaqanka Magaalada Dhagax Buur & Madaxda JWXO oo Guul Kusoo Dhamaaday.

Ogaden News Agency

Waxaa si qurux badan kudhamaaday Shir aad muhiim u ahaa oo udhaxeeyay Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhagaxbuur iyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Kulankan oo kadhacay guriga Shirarka ee magaalada Dhagaxbuur ayaa ahaa mid ahmiyad wayn lahaa, waxaana warbixin waafi ah laga dhagaystay Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee maanta soogaadhay magaalada Dhagaxbuur.

Madaxda JWXO ayaa sidoo kale aad ugu talo bixiyay in Odayaashu ay doorwayn kaqaataan Midnimada taas oo ahayd fariintii ay madaxda JWXO ugudbinayeen shacabka kudhaqan Gobolada Wadanka.

Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhagaxbuur oo ahaa kuwo aad udhabar adaygay ayaa sheegay in ay kufaraxsan yihiin marxalada lagu jiro iyo aragtida madaxda JWXO, waxayna Odayaashu aad ubogaadiyeen waxqabadkii dahabiga ahaa ee Madaxda iyo xubnaha JWXO.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Dhagaxbuur ayaa balan qaaday in ay lashaqaynayaan JWXO Isla markaana taageero lagarab istaagayaan si loogaadho hadafka umada.

Gabagabadii waxaa guul kudhamaaday kulankii dhex maray Madaxda Jabhada iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhagaxbuur.

Tuuladiid.
ONA Dhagaxbuur.

April 7th 2019, 2:13 pm

Shir Balaadhan oo Looga Hadlayay Xuquuqda Soomalida oo ONLF ku Qabatay Magaaada Adis Ababa.

Ogaden News Agency

shir balaadhan oo si wayn usoo agaasimeen Jabhada ONLF ayaa lagu qabtay magaalada Adiss Ababa, waxaana kasoo wayb galay kumanaan dad ah oo kamida shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Adiss Ababa, Odayaasha, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa kale oo kasoo qayb galay masuuliyiin kamida Maamulka Magaalada Adiss Ababa oo hor kacaayay duqa mahaalada Adiss Ababa Ato Takele Uma.

Shirkan ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay masuuliyiinta ugu sar saraysa ee jabhada ONLF oo uu kamid yahya xoghayaha guud ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) Halgame Abdirahman sheekh Mahdi Maadeey iyo Madaxa Xafiiska Diplomacyada & Xidhiidhka Heer Faderal Halgame Hassan Macalin.

Shirkan ayaa waxaa si wayn looga hadlay xuquuqda Somalida ay ku lee dahay guud ahaanba Itoobiya waxaana diirada lagu saaray inay soomaalidu helaan xuquuq dhamaystiran haday noqoto magaalada Adiss ababa iyo haday noqoto xuquuqda heer faderal somalida kaga maqan.

Waxaa qudbad ka jeediyay xoghaya guud ee JWXO Abdirahman Mahdi Maadeey asagoo carabka ku adkeeyay inayna ka tanaasulayn raadinta xuquuqda somaalida kaga maqan Itooobiya, waxaa kale ka hadlay maayarka Magaalada Adiss Ababa Ato Takele Uma wuxuuna sheegan in soomaalidu ay xaq u lee dahay inay helaan xuquuq dooda oo dhamaystiran dhan walba wuxuuna sheegay in ay u lee yihiin inay helaan xaqooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Adiss Ababa lagu qayb saday guryo kumanaan ah oo aan soomaalida waxba laga siin, shirka ayaa looga hadlay soomaalidu ay helaan shatiyada ganacsiga, guriyaynta, iyo arimo xuquuqaha ka maqan oo dhan.

Waxaa dhankiisa Ka hadlay Halgame Hassan Macalin Madaxa Xafiiska Diplomacyada & Xidhiidhka Heer Faderal asagoona adkeeyay in soomaalidu hesho xuquuqda ka maqan.

ONA/Adiss Ababa.

April 7th 2019, 12:43 pm

Madaxda JWXO oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Magaalada Dhagax buur.

Ogaden News Agency

waxaa Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar kasocda Shir balaadhan oo udhaxeeya Madaxda JWXO iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Dhagaxbuur.

Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa lagu wadaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo wax tar u leh dalka iyo dadka.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

April 7th 2019, 10:39 am

Bara-Tirsadkii Dhagax-buur iyo Soo Dhawyantii JWXO oo si heersare ah ku Qabsoontay.

Ogaden News Agency

Bara-Tirsadkii Dhagax-buur iyo Soo Dhawyantii JWXO oo si heersare ah ku Qabsoontay.

Waxaa sinabad ah kudhamaatay Xaflad aad u waynayd oo shacabka geesiga ah ee ree Dhagaxbuur ay uqabteen Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kujiray socdaalka Hayaanka Guusha.

Waftiga JWXO oo socdaal kusoo maray inta badan Dagmooyinka iyo Gobolada wadanka Ogadenia ayaa si nabad ah kusoo gaadhay Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar, halkaas oo ay kala kulmeen soodhawayn aad uwayn.

Dadka shacabka ah ee mudada dheer u oomanaa Xoriyada iyo aragtida madaxda JWXO ayaa laxakamayn waayay kadib markay madaxda JWXO soogaadheen goobtii soodhawaynta.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa loo galbiyay halkii loogu tala galay, waxaana jiri doona shirarkii kala duwan oo looqaban doono dadwaynaha, hadii Alle Idmo.

Tuuladiid.
ONA Dhagaxbuur.

April 7th 2019, 8:04 am

Deg-Deg: Waftigii JWXO oo Magaalada Dhagaxbuur si Wayn Loogu Soodhaweeyay.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Magaalada Dhagaxbuur ee Xarunta Gobolka Jarar si balaadhan loogusoo dhaweeyay waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) waxaana si diiran usoo dhaweeyay shacab waynihii Magaalada  Dhagaxbuur oo aan  ukala hadhin Calanka JWXO & Caleemo qoyana ruxaya.

Madaxda JWXO & Shacabka Reer Dhagaxbuur ayaa wakhti xaadirkan Badhtamaha magalada kukala warwaaqaaan haya waxaana isusoo baxay kumanan shacab ah oo aad uxamaasadaysan,
Masuuliyiinta jwxo ayaa lahadli doona shacabk qaybihiisa kalal duwan iyagoo halkaas ku gudbin doona Fariin wadareedkii halganka ee ahayd Midnimada, wadajirka, mintidnimada & iscafinta taasoo ah wadada kali ah ee lagu xaqiijin karo xoriyad taam ah oo shacabka Soomaalida Ogadenya gaadho.

Madaxda JWXO ayaa waxay safar dheer kusoo kala bixiyeen meelo badan oo katirsan Dhulka  Ogaadeniya waxaana lagu wadaa inay siiwadaan safarka lamagacbaxay Hayaanka Guusha ee Dhamaan Gobolada ogadenya lagu marayo.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA/Dhagaxbuur

 

April 7th 2019, 4:14 am

Wacdarihii Dhagaxmadaw & Xafladii Soo dhawaynta JWXO.

Ogaden News Agency

Wacdarihii Dhagaxmadaw & Xafladii Soo dhawaynta JWXO.

Shacabka aan gunimada udulqaadanin ee kudhaqan Dagmada Dhagax-madow ee Gobolka Jarar ayaa soodhawayn taariikhi ah usameeyay Madaxda JWXO ee booqashada kuyimid Dagmada Dhagax-madow.

Shacabka ree Dhagax-madow oo aan ukala hadhin ayaa soobuux dhaafiyay goobtii ay Xaflada soodhawayntu kadhacaysay, waxayna shacabku muujiyeen rabitaankooda ku aadan dhinaca hogaankooda dhabta ah.

Madaxda JWXO ee kujiray socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha ayaa dhankooda shacabka Dagmada Dhagax-madow umuujiyay kalsooni aad uwayn oo waligoodba ay kuqabeen, waxayna madaxdu shacabka uga xog warameen marxalada cusub ee halganku uu galay iyo sida loogu baahan yahay in midnimo iyo dulqaad lamuujiyo.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa shacabka kudhaqan Dagmada Dhagax-madow kacodsaday in ay isku duubnaadaan isla markaana taageeraan halgankooda xaqa ah ee sida nabada ah uga socda dhamaan Gobolada wadanka Ogadenia.

Munaasabadii lagusoo dhawaynayay Madaxda JWXO ayaa kusoo dhamaatay si nabad ah, waxaana lagu balamay mintid iyo Midnimo oo ah waxa kaliya ee guul lagu gaadhi karo.

Tuuladiid.
ONA Dhagax-madow.

April 7th 2019, 1:47 am

Kulan Dhex maray Madaxda JWXO & Wafti Kamida Ganacsada Somalida ee K/Afrika.

Ogaden News Agency

waxaa Maanta kulan muhiima dhexmaray wafti balaadhan oo ka yimiday wadanka Koonfur Afrika iyo Madaxda JWXO ee ku sugan Magaalada Adiss Ababa, kuwaasoo kamida ahaa ganacsatada wadanka koonfur Afrika isla markaana kamida ahaa xubnihii halganka ee laf dhabarta u ahaa halganka ay JWXO hormuudka ka tahay.

Odayaashan ayaa waxay maal gashi ku samayn doonaan guud ahaan ba wadanka Ogaadeniya ayagoo bulshada uga faa iidayn doona maal gashi gooda.

Xoghayaha guud ee JWXO Halgame Abdirahman Sheekh Mahdi Maadeey iyo Gudoomiyaha Xafiiska Heerfaderal & Arimaha Diplomacyada ee ONLF Hagame Hassan Moalin ayaa waxay isla qaateen in odayaashan ay kaalin mugleh ka qaataan isu soo dhawaynta guud ahaanba bulshada, gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka Soomaalida.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana Odayaashu usii dhaqaaqi doonaa dhankaas iyo magaalada Jig Jiga ee xarunta gobolka Faafan.

ONA/Adiss Ababa.

April 6th 2019, 4:22 pm

Deg-Deg: Waftigii JWXO oo Magaalada Dhagax-madaw ee Gobalka Jarar si wayn loogu soodhaweeyay

Ogaden News Agency

Deg-Deg: Waftigii JWXO oo Magaalada Dhagax-madaw ee Gobalka Jarar si wayn loogu soodhaweeyay

Waxaa hada si balaadhan loogusoo dhaweeyay waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) Dagmada Dhagax-Madaw ee gobolka JARAR waxaana si diiran usoo dhaweeyay shacab waynihii Magaalada oon ukala hadhin iyagoo Calanka JWXO & Caleemo qoyan ruxaya.

Waftiga oo saaka kasoo socdaalay Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob ayaa sinabad ah kusoo gaadhay Dagmada Dhagax-madow, waxaana duleedka magaalada kaga horyimid kumanaan shacab ah.

Madaxda ONLF ayaa kula hadli doona shacabka Ree-Dhagaxmadaw Meel fagaare ah iyagoo halkaas ku gudbin doona Fariin wadareedkii halganka ee ahayd Midnimada, wadajirka, mintidnimada & iscafinta taasoo ah wadada lagu dardargalinayo Xoriyad gaadhsiinta OGADENIA.

Madaxda JWXO ayaa waxay safar dheer kusoo gaalaa bixiyeen meelo badan oo Tirsan Dhulwaynaha Ogaadeniya waxaana lagu wadaa inay gaadhaan goobo horleh oo ka tirsan dalkeena Hooyo.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Dhagax-madow.

April 6th 2019, 4:00 am

Waftigii JWXO oo Tuulada Darida ee Dagmada Cayuun si wayn loogu soodhaweeyay

Ogaden News Agency

Waftigii JWXO oo Tuulada Darida ee Dagmada Cayuun si wayn loogu soodhaweeyay

Waxaa hada si balaadhan loogusoo dhaweeyay waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) Tuulada Darida oo katirsan Dagmada Cayuun ee gobolka ERER waxaana si diiran usoo dhaweeyay shacabka ku dhaqan Magaalada Darida oon ukala hadhin qaybahooda kala duwan waxayna babinayeen Calanka JWXO & Caleemo qoyan.

Madaxda ONLF ayaa kula hadashay shacabka Tuulada Darida Meel fagaare ah waxaana lagusoo dhaweeyay farxad & rayn-rayn heer sare ah.

Hogaaminta JWXO ee hormuudka ka ah Socdaalka Shaqo ee Hayaanka Guusha ayaa si waafi ah ugudbisay Fariimahoodii Midnimada, wadajirka, mintidnimada & iscafinta taasoo ag wadada lagu dardargalinayo Xoriyad gaadhsiinta OGADENIA.
Dhankooda Shacabwaynihii Kulanka isugu soo baxay baa muujiyay siday diyaar ugu yihiin inay hiil & hooba lagarab istaagaan halganka xoriyad raadinta OGADENIA ilaa Naf-hurid Tan iyo Xoriyada.

Madaxda JWXO ayaa waxay safar dheer kusoo gaalaa bixiyeen meelo badan oo Tirsan Dhulwaynaha Ogaadeniya waxaana lagu wadaa inay gaadhaan goobo horleh oo ka tirsan dalkeena Hooyo.

ONA/ Darida-Cayuun.

 

April 5th 2019, 3:42 am

Deg-Deg: Wufuudii JWXO oo soo gaadhay Magaalada CAYUUN.

Ogaden News Agency

Deg-Deg: Wufuudii JWXO oo soo gaadhay Magaalada CAYUUN.

Waxaa hada si diiran loogusoo dhaweeyay Dagmada Cayuun ee gobolka ERER waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) waxaana si diiran usoo dhaweeyay shacabka Dagmada Cayuun oon ukala hadhin qaybahooda kala duwan iyagoo ruxayay Calanka JWXO & Caleemo qoyan qalbi saafi ahna ku qaabilayay wufuuda.

Madaxda JWXO ayaa waxay kula hadashay shacabka magaalada Cayuun Goob fagaare ah waxaana lagusoo dhaweeyay caleemo qoyan madaxda JWXO.

Hogaaminta ONLF ayaa si waafi ah ugudbisay Fariimahoodii Midnimada, wadajirka, mintidnimada & iscafinta taasoo ah wadada lagu dardargalinayo Xoriyad gaadhsiinta OGADENIA.

Madaxda JWXO ayaa waxay safar dheer kusoo gaalaa bixiyeen meelo badan oo kamida Dhulwaynaha Ogaadeniya sidoo kalana lagu wado inay gaadhaan goobo horleh.

Faah Faahinta kala soco ONA.
ONA/ Cayuun.

April 5th 2019, 3:30 am

Madaxda JWXO oo Gurigiisa Ku Booqday Sayid Cabdiwahaab Sheekh Aadan.

Ogaden News Agency

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee socdaalka Hayaanka Guusha kujira ayaa rugtiisa kubooqday Sayid Cabdiwahaab Sheekh Aadan oo kamid ah Culimada ugu magaca dheer guud ahaan gayiga Ogadenia.

Sayidka oo kamid ah ehelka dhaw ee Sayid Nuur Kaldha-yare ayaa xiligii adkaa si xoogan utaageeray halgankii xaqa ahaa ee lagu xoraynayay shacabka Soomaalida Ogadenia, wuxuuna Sayidku taageero maal iyo muruqba ah isugu daray shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Sayidka oo ah nin ay aad uxurmeeyaan dadka Soomaaliyeed ee Ogadenia kudhaqan, ayaa lagu xurmeeyay in waftiga JWXO ay gurigiisa ugu tagaan Kuna soosalaamaan.

Sayidka ayaa uduceeyay guud ahaan dalka Ogadenia iyo dadka kunool, wuxuuna rajeeyay in waxa aan doonayno laheli doono insha allaah, isagoo xusay in dadaalka lasii labanlaabo.

Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO oo Sayidka sifiican u salaamay una karaameeyay ayaa ka amba baxay Deegaanka Sayidka fadhiga u ah ee Fiidoole oo dhaca duleedka Tuulada Gudhis.

Tuuladiid.
ONA Fiidoole.

April 4th 2019, 10:28 am

Xog Muhiima: Marinka Bar Bara & Wadada isku xidhi doonta Bara Bara ilaa Adis Ababa.

Ogaden News Agency

Waxaa in muddo ahba socda mashruuc Waddo isku xidhaya Berbra ilaa Addis Ababa. Mashruucan sida uu hadda u dhigan yahay waxaa ka mid ah in la dhiso wadda labadadhinac isku xidhaysa; In Dekedda berbera La balaadhiyo oo la dayactiro; in Airporka Berbera la gaarsiiyo heer caalami ah, in Airporka Hargaysa la dayactiro lana acasriyeeyo, in Jidka qaybta ku aadan Hargeisa loo diyaariyo habka ugu wanaagsan ee tirada badane Gawaarida aanay magaalada iyo isu socodkeeda wax ugu dhimin.

Waxaa kaloo mashruuca ka mid ah hagaajinta Jidda inta uu si marayo oo idil iyo casriyaynta habka canshuuradaha ee Xadka Togwajale iyo Jigjiga.

Guud ahaan Dekedda Berbera iyo Degaankaas Somaliyeed, muhimad wayn ayay u leeyihiin degaanka Somalida ee Itoobiya hoos yimaada (Ogaden). Ganacsiga ugu bada nee degaanka Somalidana wuxuu ku wajahan yahay am aka yimaada Berbera. Xoolaha ugu bada nee ka dhoofa dekaadaas asalkiisa wuu ka yimaadan dalkan. Sidoo kale badeecada ugu badanee  degaanka Somalida timaadana waxay soo martaa Berbera. Marka Berbera muhimad uma laha keli ah Addis Ababa ee ganacsigeeda si gaar ah ayuu dalkeena muhimad ugu leeyahay.

Sidaas daraadeed waddo isku xidha degaankeena iyo Berbera muhimad gaar ah ayay noo leedahay. Hase yeeshee qaabka mashruucan loo habeeyay, waxaa cad inaan tixgalintii ay mudnayd aan  la siin degaanka Somalida oo waddo noocaas ah ay saamayn wayn ku yeelan doonto. Saamayntaas oo ay ka mid yihiin:

dhibaatada  kaga iman kartaa cimilada ( dadka, xoolaha, dhirta, Hawada, Biyo shubka degaanka) marka kumanaan gaadiid ah ay u kala gooshaan Berbera iyo Addis Ababa maaliinkiiba.
Ganacsatada  Somalida degaanka oo awal horeba ku dhib qabay inay labada aag ka ganacsadaan ayadoo maalkooda lagu dhaco waa kontroband, ama dalka ha ka dhoofiyaan ama ha soo galiyaan, haddaan weliba dil loogu darin, inay intii u hadhi jirtay la dhaafiyo oo lagaba maarmo.
In degaanku wax aan qaylo iyo qiiq ahayn aanay ka faa’iidayn mashruucaas oo markii aan derisnay dokumentiga barnaamijka aanan la kulanay ergo Ingiriis ah oo mashruuca wax hirgalinaysaa ay noo sheegeen inay maalgalinayaan oo qudha dhinaca Hargeisa oo qorsha uusan ugu jirin in sida Airportyada Berbera iyo hargeisa aanu qorshu ku jirin ka jigjiga iyo magaalooyinka badan ee jidku sii mari aanay jirin wax mashaariic ah loogu talo galay in laga hirgaliyo.
Sidoo kale waddooyinka dalka maraya Min Togwajaale ilaa Meiso inuusan jirin mashruuc dadka degaankaas oo ah waxa ay luminayaan u kaba inuusan jirin

In degaanka mashaariic horumarineed laga hirgaliyo way habboon tahay. Mashaariicdaas dhibkooda way wataan, laakiin waxaa daboola in dadka ay khusayso dhibaas wax ay ku badashaan inuu jiro. Dalkeena waxaa kui soo socda mashaariic badan oo ay ka mid yihiin dhuumaha shidaalka ee Jabuuti baa la gayn la leeyahay, Mashruuca Marinka  Berbera, mashariic badan oo kale oo soo soctaa. Waxaa nasiib daro ah in waxaas oo mashaariic ah aanay talo ku lahayn dadka ay dalkooda ka hirgalyo, sidoo kale inaan xog ku filan la siinayn dadka ama ha noqoto dowlada Federalka ama degaanka. Adduunka marka mashriic waawayn dal laga hirgaliyo waxaa dhaqan ah:

1. Daraasad dhab ah lagu sameeyo saamaynta mashariicdaas ay ku yeelanayaa cimilada, dhaqaalaha, iyo bulshada degaanka.
2. In dadka lala socodsiiyo saamaynta mashaariicdaa faa’iido iyo khasaare.
3. In taladooda qorsha lagu darsado.
4. In faa’iidada ay qayb muuqata ku yeeshaan.
5. Inay jiraan aqoonyahano madaxbanaan oo iyaguna qiimayn ku sameeya saamaynta mashaariicdaas

Haddaba, waxaa nasiib daro ah in masuulinta Somalida ee heerarka kala duwan Somali uga matala Itoobiya, inay dadkooda la wadaagin xogaha mashaaariicda nolosha bulshada raadadka waawayn ku yeelanaya.

Xataa waxaa jirta tuhum in iyaga laftoodu aanay mararka qaar wax wayn ku dhaamin xogta mashaariicda qaar ka mid ah, haddii ay og yihiin aanay shacabkooda si cad (transparent ah ula socodsiinin).

Mashruucan marinka Berbera, in kastoo aan arkaynay madaxwaynaha dowlad degaanka oo Dhagax dhig ka qayb galaya maagalada Berbera, ma hayno meel dowlad degaanku ay dadkeeda ugu sheegayso saamaynta mashruucaas – khayr iyo sharba.

Warbaahinta degaankuna ma anan arag meel ay kaga hadlayso mashruuca noocaas ah oo muhimadaas u leh Somalida degaankan.

Waxaa sidoo kale arrimahan aan ka hadal wasiirada iyo xubnaha baarlaamka Heer federal oon dadkooda xaqiisa badana aan la arag goob ay ka difaacayaan maa kaga hadlayaan.

Haddii ay dadaal wadaana shacabka aan loo soo bandhigin oo aanay muuqan. Sidoo kale Xisbiga dalkeena xukuma ee hadda uun la unkago, hanaa la leeyahay dalkeenu xukumaa!

Waxaa kaloo dhaliishan wax ku leh Aqoonyahanka dalka u dhashay oo ay habboonayd inay mashaariicda nocan ah daraasado madaxbanaan ku sameeyaan dhinacbana ka eegaan oo dadkooda ay la wadaagaan.

Haddaba waxaa hadda dhamaan dowlad degaanka, waxgaradka, aqoonyahan, masuulinta dowladda federal noogu jira iyo Ururada siyaasiga ee dalka inaan arrimahan si dhab ah uga hawl-galno

1. In Dowladda Federalka, deeq bixiyeyaasha iyo ismaamulka Somalida Hargeisa ay bilaabaan barnaamij lagaga qayb galinayo ka faa’iidaysiga Mashruucaas dadka iyo dalka Degaanka Somalida.
2. In barnaamijkaas si cad loo soo bandhigo.
3. In Guud ahaan ganacsiga Somalida degaanka uu la leeyahay  dalalka Somalida nidaam cadaalad ku dhisan loo sameeyo oo laga saaro dhaca iyo dilka ayadoo lagu xalaalaysanayo xoolahooda waa kontrabaan iyo qaabab kale oo aan waxba dhaamin.
4. Tusaalaha la samayn karo, waxaa ka mid ah:
A. in Togwajaale loo aqoonsado dry port oo weliba ay noqto Free port, lana hormariyo
B. In waddada dheer ee Addis u kacasay agagaarkeeda dadka mashaariic looga abuuro
C. In wadooyinka dowlad degaanka ee ganacsiga xooluhu maraan loo abuuro mashaaric ku soo xidhaya wadadan
DIn shirkado ay leeyhiin ganacsatada dowlad degaanka ay kamid noqdaan kuwa wax ka daabulayaa badeecada Itoobiya loo wado
E.In la abuuro bangi Somali ah oo gacan siiya ganacsatada Somalida ee Dalka xoolaha iyo badeecada kale ka dhoofinaya
FIn Airporka Jigjiga lagu daro mashaaricda berbera Corridor
GIn waddada Dheer loo sameeyo goobo nasasho oy dadku ka helaan gacansi sida adduunka kale waddooyinka dhaadheer looga abuuro goobo nasasho iyo kaalimo shidaal si degaankaas loogu faa’iideeyo.
HIn Somalida labada degaan ay si dhab ah uga wadahadlaan wixii mugdi mugdi ah ee saamayn ku yeelan kaara ganacsiga labada dhinac iyo maacaamulka guud.

Ugu dambayn dhammanteen waa inaan dhaqan u yeelano inaan si xor ah uga hadalno wax kastoo nolosha dadkeena samayna. Sidan oo kale Walaalaheen Somalida dhinaca kale waa inay ka hadlaan saamaynta wadadu ku leedahay degaanada ay marayso oy la xisaabtan maamulkooda Somaliland si togan (positive).

Qoraalkana kuma caaradayno in Jidadkaas la dhso ama lag afaa’iidaysto labada dhinacba, laakiin waa in dhammaan dadka ay khusayso ay kawada  faa’iidaystaan, laakin waa in dhamman dadka ay khusayoo idil kawda faa’iidaystaan si mustaqbalka aan dhib u abuurmin.

Wixii ka soo kordha arrimahan waan idiin soo gudbin doonaa haddii Eebe idmo. Waxaan ka codsanaynaa dhamaan bulshada, khaasatan aqoonayahan waxa nolosha shacabkooda saamayna.

Xogta mashruucaan qayb ka mid a waxaad ka heli kartaan goobahan:

http://www.eeas.europa.eu/archives/delegations/somalia/documents/more_info/berbera_corridor_pre_feasibilitystudy_executivesummary_en.pdf
2. https://nl4worldbank.files.wordpress.com/2015/12/1208164-support-services-to-igad-for-development-of-the-berbera-corridor.docx
3. http://www.somalilandchamber.com/?wpfb_dl=146
4. https://www.mtbs.nl/projects/diagnostic-study-for-the-berbera-corridor

April 4th 2019, 9:56 am

Waftigii JWXO oo Tuulada Gudhis si Wayn Loogusoo dhaweeyay.

Ogaden News Agency

waftigii Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay tuulada Gudhis ee gobolka Nogob.

Shacabka Tuulada ayaa waftiga kaga horyimid meel aad ufog, waxaana lahadlay Madaxda JWXO oo ugudbiyay fariintii JWXO.

Waftiga ayaa hada waxay ku sugan yihiin tuulada Gudhis waxayna shir la gali doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gudhis.

ONA/Gudhis

April 4th 2019, 6:53 am

Xafladii Lagusoo Dhaway nayay Madaxda JWXO oo si Guul Ah kusoo Dhamaatay.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Dagmada Iimay-bari ee Gobolka Shabeelle kusoo gabagaboobay Xaflad balaadhan oo shacabka ree Iimay-bari ay kusoo dhawaynayeen madaxdooda dhabta ah ee xushmada badan ay uhayaan.

Shacabka Gobonimada jecel ee kudhaqan Dagmada Iimay-bari ayaa si aan kala hadhlahayn usoo buux dhaafiyay goobta ay xafladu kadhacaysay iyagoo kulabisan calanka iyo calaamadaha JWXO.

Madaxda JWXO oo galabnimadii shalay oo Arbaco ahayd soogaadhay Dagmada Iimay-bari ayaa shacabka ree Iimay-bari lawadaagay xogta dhabta ah ee dalkeena iyo marxalada lagujiro.

Madaxda JWXO ayaa sidoo kale shacabka Dagmada Iimay-bari ugudbiyay fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal, taas oo ahayd midii ay shacabka Soomaalida Ogadenia ugudbinayeen

Waftiga JWXO ee kujira Socdaalka Hayaanka Guusha ayaa goordhaw ka amba bixi doona Dagmada Iimay-bari iyagoo siiwadan doona socdaalkoodii barakaysnaa.

Tuuladiid.
ONA Iimay-bari.

April 4th 2019, 5:23 am

Deg Deg: Xaflad lagusoo dhawaynayo JWXO oo Ka socota iimay Bari.

Ogaden News Agency

 

April 4th 2019, 5:23 am

Daawo: Gabaygii Daajiye iyo Abwaan Rashiid.

Ogaden News Agency

April 3rd 2019, 12:15 pm

Deg-Deg: Waftigii JWXO oo iimay Bari Si Diiran Loogusoo Dhaweeyay.

Ogaden News Agency

waxaa hada soo gaadhay dagmada iimay Bari ee gobolka Shabeele waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) ee horkacaayay gudoomiyaha JWXO mohamed Omar Cusmaan waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay dagmada iimay Bari.

Shacabka soo dhaweeyay Waftiga JWXO ayaa waxay kaga hortageen duleedka magaalada waxaana ka muuqda dareen xoogan iyo soo dhawayn balaadhan.

Waftiga JWXO ayaa waxay la hadleen shacabka waxaana hada loosii galbinayaa goobtii loogu talo galay in waftiga la dajiyo.

Madaxda JWXO ayaa waxay la kulmi doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan waxayna qaban doonaan shirar balaadhan oo shacabka lagu wacyi galin hayo.

warbixinta iyo wararka oo faah faahsan dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

ONA/iimay Bari.

April 3rd 2019, 8:44 am

Jaaliyada Somalida Ogaadeniya ee Bosaso oo Kulan Muhiima isugu Timaaday.

Ogaden News Agency

Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee ku dhaqan Boosaaso ayaa shirkeedii 6 biloodlaha ahaa isugu timid jimcihii bisha Maarso 29-keedii, Waxa shirka ka soo qaybgalay jaalliyadda qaybaheeda kala duwan.

Waxaa shirka lagu furay aayado Quraan ah iyo wacdi diini, sidii caadada inoo ahayd Ka dibna waxaa la guda galay ajan dayaashii shirka.

Guud ahaan waxaa lagu lafa guray isbadalada ka dhacaya Geeska Afrika iyo sida uu saamayn ugu yeelan karo dalka Ogaadeenya. Waxa kaloo lagu lafa guray sida ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysan karo isbadalkaas.

Sidoo kale, waxaa lagaga wada hadlay xaaladda jaalliyada, sidii wax loo wada qabsan lahaa iyo sidii wada noolaansho fiican loola yeelan lahaa bulshada kale ee degaanka.

Waxaa goobtaas ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay jaalliyadda, Waxaa iyadana xusid mudan in kulankaas uu khadka isgaarsiinta kaga qaybgalay Ku-xigeenka Hoggaanka Jaalliyadaha JWXO mudane Cabdullahi Axmed Ileeye.

Mudane Ileeye ayaa Jaaliyada siiyey warbixin kooban oo ku saabsan Geeska Afrika, Hawlaha JWXO iyo heshiiskii JWXO iyo Itoobiya dhex maray. Wuxuu kaloo si kooban uga hadlay qorshaha dhow iyo ka fog ee JWXO si looga midho dhaliyo hadafkii dheeraa ee umadda.

ONA/Bosaso.

April 3rd 2019, 7:29 am

Waftigii JWXO oo Lagusoo Dhaweeyay Tuulada Dhay ee Dagmada Iimay Bari.

Ogaden News Agency

waxaa hada soo gaadhay tuulada Dhay oo ka tirsan  dagmada iimay Bari ee gobolka Shabeele waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO), waxaana si diiran usoo dhaweeyay waftiga Shacabka ku dhaqan tuulada Dhay.

Madaxda Jabhada ONLF ayaa waxay safar dheer ku bixiyeen meelo badan oo kamida gobolada Ogaadeniya waxayna hada gaadhi doonaan dagmada iimay bari ee gobolka shabeele.

Madaxda JWXO ayaa waxay shacabka kula hadleen meelo fagaare ah, waxayna kala hadleen in shacabka soomaalida Ogaadeniya u diyaar garoobo midnimo iyo xoojinka halganka ay JWXO hormuudka katahay.

ONA/Dhay.

April 3rd 2019, 7:29 am

Madaxda JWXO oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Dagmada Jarati.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Dagmada Jarati ee Gobolka Afdheer kusoo dhamaaday kulan muhiim ah oo u dhaxeeyay Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Jarati iyo Madaxda JWXO ee kusugan magaalada Jarati.

Madaxda JWXO oo kulanka furay ayaa ugu horaynba Odayaasha uga warbixiyay howlaha halgan ee shacabka danahooda lagu gaadhsiinayo iyo ujeedada socdaalkooda.

Madaxda JWXO ayaa Odayaasha Magaalada Jarati kacodsaday in ay kashaqeeyaan nabad galiyada iyagoo uga digay in aysan shacabku isku mashquulin danahoodana gartaan.

Sidoo kale Odayaasha Dagmada Jarati ayaa madaxda JWXO usheegay in ay kufaraxsan yihiin imaatinka waftiga Isla markaana ay aad utaageersan yihiin mabaadiida Jabhada ee kusalaysan midaynta shacabka.

Gabagabadii waxaa is afgarad kudhamaaday kulankii Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Jarati iyo Madaxda JWXO, waxaana hoosta laga xariiqay wada shaqayn.

Tuuladiid.
ONA Jarati.

April 2nd 2019, 11:28 am

Xafladii Lagusoo Dhawaynayay JWXO ee Jarati oo Guul kusoo Dhamaatay.

Ogaden News Agency

Waxaa hada si nabad ah kusoo dhamaaday Xaflad balaadhan oo shacabka Dagmada Jarati ay kusoo dhawaynayeen Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kujiray socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha.

Waftiga oo galabnimadii shalay soogaadhay magaalada Jarati ayaa saaka badhtamaha magaalada loogu qabtay Xaflad balaadhan oo lagusoo dhawaynayay, waxaana goobta ay xafladu kadhacaysay soobuux dhaafiyay kumanaan shacab ah oo ay kamuuqatay baahida ay uqabaan lakulanka madaxda JWXO.

Madaxda JWXO ayaa shacabka Dagmada Jarati ujeediyay khudbado dhaadheer oo kusalaysan xaqaaqada dhabta ah ee wadanka Ogadenia kajirta.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa shacabka ree Jarati ugudbiyay fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal, waxayna aad madaxdu ugu nuux nuuxsadeen Midnimada oo ah waxa meel lagu gaadhi karo.

Shacabka Dagmada Jarati oo ay kamuuqatay xamaasad aad ubadan ayaa balan qaaday in ay taageerayaan Midnimada iyo hadafka saxda ah ee JWXO.

Tuuladiid.
ONA Jarati.

April 2nd 2019, 6:55 am

Xaflad Lagu Soo Dhawaynayo Waftigii JWXO oo Hada Kafurantay JARATI

Ogaden News Agency

Waxaa Magaalada Jarati ee Gobolka Afdheer kafurantay xaflad aad ubalaadhan oo ay isku arkayaan Shacabka Gobonimada jecel ee kudhaqan Dagmada Jarati iyo Madaxdooda hogaaminaysa halganka.

Xafladan oo si layaab leh ay usoo qaban qaabiyeen Mas’uuliyiinta Xafiiska JWXO ee magaalada Jarati ayaa loogu tala galay in lagu sharfo laguna soodhaweeyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kujiray socdaalka Shaqo ee Hayaanka Guusha.
Xaflada ayaa lagu wadaa in ay madaxda JWXO kajeediyaan Khudbado dhaxal gal ah, Isla markaana ay gudbiyaan fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal, taas oo ah barnaamijka JWXO ugu talagashay dhaqaajinta & dar-dar galinta hawlaha halgan ee Maanta Taagan.

Ugaasyada iyo Cuqaasha Magaalada Jarati oo shacabka ay xukumaan hogaaminaya ayaa Soo xaadiray safka hore ee Xaflada waxayna kahadli doonaan Madasha hadii Alle Idmo.
Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

ONA / JARATI.

April 2nd 2019, 3:33 am

Deg Deg: Waftigii JWXO oo Hada Gaadhay Dagmada Jarati.

Ogaden News Agency

waxaa hada si diiran loogusoo dhaweeyay Dagmada Jarati ee gobolka Afdheer waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) waxaana si diiran usoo dhaweeyay shacabka Dagmada Jarati.

Madaxda JWXO ayaa waxay kula hadashay shacabka magaalada Jarati Goob fagaare ah waxaana lagusoo dhaweeyay caleemo qoyan madaxda JWXO.

madaxda JWXO ayaa waxay safar dheer kusoo bixiyeen meelo badan kamida gobolada Ogaadeniya.

faah faahinta kala soco ONA.

ONA/Jarati.

April 1st 2019, 10:54 am

Madaxda JWXO iyo Odayaasha Dagmada Hargeele oo kulmay Muhiima Yeeshay.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer kusoo gabagaboobay Shir balaadhan oo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Hargeelle iyo madaxda JWXO ay yeesheen.

Madaxda JWXO ayaa Odayaasha uga warbixiyay socdaalkoodu waxa uu daaran yahay iyo sida ay lagama maarmaan utahay midnimo iyo Ismaqal ay bulshadu yeelato.

Madaxda JWXO ayaa odayaasha ka codsaday in ay qaataan doorkooda ku aadan Midnimada umada si loogaadho hadafka ay umadu usoo dhabar adaygtay una soo baaba’aday.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Hargeelle ayaa dhankooda aad usoo dhaweeyay Madaxda Jabhada ee booqasha kujooga Gobolka Afdheer, waxayna odayaashu sheegeen in ay kufaraxsan yihiin imaatinka madaxda JWXO.

Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Hargeelle iyo Madaxda JWXO ayaa hoosta kaxariiqay qorshihii lagu hagi lahaa umada iyo sidii hal meel ah looga soowada jeedsan lahaa, iyadoo Odayaasha iyo Madaxda Jabhada ba ay qaadanayaan doorkooda.

Tuuladiid.
ONA Hargeelle.

April 1st 2019, 5:35 am

Madaxa Hoggaanka Diblomaasiyada JWXO oo laqaatay shir xogwarana qaybaha kala gadisan ee Xafiiskiisa

Ogaden News Agency

Madaxa Hoggaanka Diblomaasiyada JWXO oo laqaatay shir xogwarana qaybaha kala gadisan ee Hoggaanka diplomaasiyada maalinti Axada ee 31/March/2019

Shirkan waxaa looga warbixiyay jihada arrimaha Diblomaasiyada ee JWXO.

Shaqooyinkii diolomaasiyadeed ee 3 bilood ee u danbaysay iyo xidhiidhada diplomaasiyadeed ee bilaha soosocda.

Kulankan waxaa lagu soo jeediyay talooyin muhiima oo lagu xoojinayo arrimaha xiriirka caalamiga ah ee ururuka iyada oo talooyin wax ku oola lagasoo jeediyay wadooyinka ugu wanaagsan ee loomarayo isku xidhka shacabka Soomalida Ogaadeniya iyo beesha caalamka.

Waxaa kale oo laga waramay daraasado lagasameeyay Qadiyada Ogaadeniya ee Gobanima doonka ah.

Waxaa kale oo laga waramay isku xidhka Dowlada dhexe ee Ethiopia iyo ONLF gaar ahaan heshiisyadii dhexmaray iyo fulintooda.gaar ahaan shirar badan oo isdaba joog ahaa oo xafiiska diplomaasiyadu iyo ururka qaybahiisa kale kula kulmeen haayado dowli ah iyo xafiisyo kamida Dowlada Ethiopia.

Kulankan oo ahaa kulan caadiya oo xafiiska diplomaasiyadu yeesho ayaa lagu dardar galiyay shaqooyinka hoggaanka diblomaasiyada ee ONLF.

 

ONA.

April 1st 2019, 5:35 am

Odayaasha Hargeele iyo Jwxo oo yeeshay is arag balaadhan.

Ogaden News Agency

Odayaasha Hargeele iyo Jwxo oo yeeshay is arag balaadhan.

Waxaa hada Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer kusoo gabagaboobay Shir balaadhan oo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Hargeelle iyo madaxda JWXO ay yeesheen.

Madaxda JWXO ayaa Odayaasha uga warbixiyay socdaalkoodu waxa uu daaran yahay iyo sida ay lagama maarmaan utahay midnimo iyo Ismaqal ay bulshadu yeelato.

Madaxda JWXO ayaa odayaasha ka codsaday in ay qaataan doorkooda ku aadan Midnimada umada si loogaadho hadafka ay umadu usoo dhabar adaygtay una soo baaba’aday.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Hargeelle ayaa dhankooda aad usoo dhaweeyay Madaxda Jabhada ee booqasha kujooga Gobolka Afdheer, waxayna odayaashu sheegeen in ay kufaraxsan yihiin imaatinka madaxda JWXO.

Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Hargeelle iyo Madaxda JWXO ayaa hoosta kaxariiqay qorshihii lagu hagi lahaa umada iyo sidii hal meel ah looga soowada jeedsan lahaa, iyadoo Odayaasha iyo Madaxda Jabhada ba ay qaadanayaan doorkooda.

April 1st 2019, 5:20 am

Xaflada Soo Dhawaynta Madaxda JWXO oo Hada Kasocota Hargeelle.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer ka furantay Xaflad si qurux badan loosoo agaasimay oo lagusoo Dhawaynayo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Madaxda JWXO ee kujiray socdaalka Hayaanka Guusha oo maanta duhurkii soogaadhay magaalada Hargeelle ayaa lagu wadaa in ay shacabka ree Hargeelle usoo jeediyaan khudbado dhaxal gal ah oo katurjumaya danaha shacabka Soomaalida Ogadenia.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Hargeelle ayaa dhankooda siwayn umaamusay madaxda JWXO ee booqashada ugu yimid waxayna soobuux dhaafiyeen goobtii ay xafladu kadhacaysay.

Xaflada madaxda JWXO looqabtay ee magaalada Hargeelle kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Hargeelle.

March 31st 2019, 12:38 pm

Xaflad Balaadhan oo Lagusoo Dhawaynayo JWXO oo Hargeele Ka Socota.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer ka furantay Xaflad si qurux badan loosoo agaasimay oo lagusoo Dhawaynayo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

Madaxda JWXO ee kujiray socdaalka Hayaanka Guusha oo maanta duhurkii soogaadhay magaalada Hargeelle ayaa lagu wadaa in ay shacabka ree Hargeelle usoo jeediyaan khudbado dhaxal gal ah oo katurjumaya danaha shacabka Soomaalida Ogadenia.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan Dagmada Hargeelle ayaa dhankooda siwayn umaamusay madaxda JWXO ee booqashada ugu yimid waxayna soobuux dhaafiyeen goobtii ay xafladu kadhacaysay.

Xaflada madaxda JWXO looqabtay ee magaalada Hargeelle kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Hargeelle.

March 31st 2019, 12:38 pm

Deg Deg: Waftigii JWXO oo Xarunta Gobolka Afdheer ee Halgeele Sidiiran Loogu Soo Dhaweeyay.

Ogaden News Agency

Waxaa hada Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer siwayn loogusoo dhaweeyay Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kujiray socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha.

Waftiga oo subixii hore ee saaka kasoo kicitimay Tuulada Ooman ee Isla Gobolka Afdheer, ayaa soomaray tuulooyin aad ubadan oo Gobolka ah waxayna duhur nimadii maanta soogaadheen Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer.

Shacabka aan gunimada udulqaadanin ee Dagmada Hargeelle ayaa waftiga kaga hortagay duleedka magaalada, waxayna usoo dhaweeyeen si cajiib ah.

Madaxda JWXO ayaa galabta lahadli doona dadwaynaha shacabka kudhaqan Magaalada Hargeelle hadii Alle Idmo, waxayna madaxdu gudbin doonaan fariinta JWXO ee ah midnimo iyo Ismaqal.

Tuuladiid.
ONA Hargeelle.

March 31st 2019, 7:06 am

Madaxda JWXO oo Booqday Goobta Taariikhiga ah Ee God-Cusbo.

Ogaden News Agency

Waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya JWXO ayaa waxay booqdeen goobta taariikhiga ee God Cusbo isla markaana kamid ah khayraadka Ogadeniya ilaahay ku manaystay ee Cusbada.

Garaadada iyo Suldaamada shacabka God cusbo ayaa si diiran madaxda Jabhada ONLF oo wadanka oo dhan kusoo maraysay Safar loogu magac daray Hayaanka Guusha.

Waftigu waxay booqdeen goobta lagu magacaabo God cusbo oo goob cusbada laga qodo, waxaana looga waramay wax yaalo badan oo cajiiba oo ay lee yihiin meeshan cusbada laga qodo.

dib ayaa idiin kasoo gudbin doonaa waftiga JWXO iyo safarka Hayaanka Guusha waxa kasoo kordha.

ONA/God-cusbo.

March 31st 2019, 6:17 am

Madaxda JWXO oo Sidiiran Loogu Soo Dhaweeyay God-cusbo ee Gobolka Afdheer.

Ogaden News Agency

Waftigii JWXO ee kujiray socdaalka Hayaanka Guusha ayaa saaka lagusoo dhaweeyay Magaalada God-cusbo.

Madaxda JWXO ayaa dadka ree God-cusbo ugudbiyay fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal.

Waftiga oo socdaalkiisa siiwata ayaa gaadhi doona Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer, halkaas oo siwayn looga sugayo.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA God-cusbo.

March 31st 2019, 4:03 am

Waftigii JWXO oo Caawa Lagusoo Dhaweeyay Tuulada Ooman Ee Damada Hargeele.

Ogaden News Agency

Waftigii JWXO ee kujiray socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha ayaa caawa siwayn loogu soodhaweeyay Tuulada Ooman oo katirsan Dagmada Hargeelle ee xarunta Gobolka Afdheer.

Waftiga oo saaka subixii hore kasoo baxay Dagmada Godey ee xarunta Gobolka Shabeelle ayaa socdaal dheer kusoo maray Tuulooyin aad ubadan, kuwaas oo udhaxeeya Magaalada Godey iyo Tuulada Ooman ee Gobolka Afdheer.

Madaxda JWXO oo ujeedadoodu ay ahayd in ay ukuur galaan xaalada shacabka Soomaalida Ogadenia iyo in ay gudbiyaan fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal ayaa Lakulmay kumanaan shacab ah oo kunoolaa dhulkaas.

Shacabka Soomaalida Ogadenia oo umuuqda kuwo aad ugu baahan aragtida madaxda JWXO iyo waliba helitaanka dowlad madaxbanaan oo Ogadenia ladhaho ayaa si mug leh usoo dhaweeyay Waftiga JWXO, waxayna balan qaadeen in ay wada shaqayn doonaan.

Wixii kasoo kordha socdaalka Waftiga JWXO ee Hayaanka Guusha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Ooman.

March 30th 2019, 1:33 pm

Waftigii JWXO oo lagusoo dhaweeyay Tuulada Fushuuq Ee Gobolka Afdheer.

Ogaden News Agency

waxaa si diiran loogusoo dhaweeyay waftigii Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeniya (JWXO) Tuulada Fushuuq ee gobolka Afdheer waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan Tuulada Fushuuq.

Shacabka ayaa waxay kusoo dhaweeyeen madaxda JWXO ciyaar aad looga ciyaaro gobola Afdheer oo dhaantada oo kale ah.

Shacabka ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn.

ONA/Afdheer.

March 30th 2019, 1:03 pm

Maqaal: Bogaadin- Socdaalka Barakeysan Ee Gudoomiyaha JWXO & Wafdigiisu Ku Marayaan Dalka Ogadenya-

Ogaden News Agency

Waxaa la ogyahay in Dalka  Ogadenya uu soo maray marxalado kala duwanaa oon halkan lagu soo koobi karin. Waxaa kamid ahaa dagaalo farabadan oo kasocon jiray mandiqadda kuwaasoo udhaxeeyay Guumayste iyo dadwaynaha oo kasoo horjeedsaday iyagoo diidanaa in xuquuqdooda lagu tunto. Muddo kabadan 60 sano waxaa si toos gacanta ugu hayay dawladihii kala duwanaa ee Itoobiya soo maray. Waxay madaxdii dalkaasi wada qirayaan inay gobolka kala kulmeen iska cabin joogto ah oo adag.

Waxaa si wayn caalamku ula socdaa kacdoonkii shacbiga ahaa ee uu Ururka ONLF hogaaminayay kaasoo dagaal gacan kahadal ah kula soo jiray Maamulkii TPLF  oo ahaa mid qaniinyo kulul!. Kadib waxaa yimid isbadal lama filaan ah oo saameeyay dhamaan dalka itoobiya. Waxaa jiray qowmiyado kala duwan oo dhamaan eed sheeganaya, sidaa darteed ayay qolo waliba doorkan isu diyaarisay inay ka faa’iideysato fursadaha miiska saaran. Ururka ONLF golihiisa dhexe iyo hogaanka sare ayaa isku raacay inay heshiis lagalaan Taliska cusub ee Itoobiya wax walbana lagu dhameeyo wadaxaajood. Labada dhinac ayuu mid waliba hada isku dayayaa inuu hirgaliyo qodobadii qalinka lagu duugay ee dhawrka ahaa.

Waxay jabhadu kujirtaa abaabul xoogan oo shacbiga loogu warbixnayo, dhanka kalana tashiga la is waydaarsanayo. Socdaalka Wufuudu wuu sii xoogeysanayaa maalimba maalinta ka dambeysa, dadkana mooraakiisu si wayn ayuu kor ugu sii kacayaa. Waxaa ugu dambeeya Wafdiga culus  ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Halganka  Adm- Maxamed Cumar Cismaan. Waxay wafdigu socdaal dheer ku marayaan dalka Ogadenya oy iyaga laftoodu ay u heelan yihiin inay ku lugeeyaan!. Wafdigan oo in mudo ah laga sugayay guud ahaan Gobolada Ogadenya ayay bulshadu ku indho,qabawsatay waxaana Muraayadaha la iska arko laga daawanayaa damaashaadka, farxadda iyo mashxaradda aan loo kala hadhin yar iyo waytoona!. Soo dhawayn aan horay loo arag ayay bulshadu ku qaabileysaa halgamayaashooda. Waxaa kamid ah waxyaalaha lagu marti soorayo Hilibka iyo Caanaha Geela oo ah kuwo lasiiyo cidii la jecelyahay!.

Wafdiga barakeysan ayaa iyagu dhankooda dadka ka waraabinaya marxaladii hore ee dalku soo maray iyo tan cusub labadaba. Waxay bixinayaan xog waran ay dadku uriyaaqeen oon cidna laga qarinaynin. Waxay wafdigu booqanayaan rugcadaayada sida gaarka  ah halganka isu garabtaagay ee dhibka badani kasoo gaadhay. Waxay sidoo kale booqanayaan Qubuuraha qaar kamid ah shuhadadii naftooda ku waayay difaaca karaamada dadkooda. Socdaalka barakeysan ee wafdiga ayay dad badani filayaan inuu waxbadan kusoo kordhin doono saaxada siyaasdda ee hada lamarayo. Wuxuu wafdigu wali dhex,mukhuuranayaa socdaal taariikhi ah oo si aad ah usoo jiitay indhaha bulshada gude iyo dibadba..

Waxay wafdigu aad ugu nuuxsanayeen hadafka halganka oo ah in la helo dhamaan xuquuqdii ay dadku lahaayeen, waxaa kale oy dadka usheegayeen in laga bixi doono dhafoor xumida, balse loo baahanyahay in lasii wado dadaalka halganka ee galay wajiga cusub. Waxaa kamid ahaa waxyaalaha dadka xiiso galiyay ee ay wafdigu soo hadal qaadayeen, in dadka ducafada ah iyo dhaawacyadu  ay yihiin kuwo qalbiga lagu hayo oon marna la ilaawi doonin  helina doonaan waxay mudanyihiin!.

SOCDAALKII WAFDIGA SARE, SAADAASHU SAY TIDHI-

HALGANKII SALDHIGAYOO, SUMADIISU WAA CAAN.

SABOOLNIMO KADHEEROO, WUU SAMAFALAAYAA-

SIKASTABA HA NOQOTEE, SAFARKAASI WAA GUUL!

Isku soo wada duuboo jabhada JWXO iyo shacabka ayaa lagu tilmaami karaa Ul & Diirkeed markii la fiiriyo sida ay quluubtoodu isugu soohantahay, waana inaan la ogolaanin inay fikrad cadow soo dhexgasho!.

 

Xaaji M/rashiid Aw Macalim

Qoraa madax banaan

March 30th 2019, 6:57 am

Socdaalkii Hayaanka Guusha Oo si habsamileh usoconaya.

Ogaden News Agency

Socdaalkii Hayaanka Guusha Oo si habsamileh usoconaya.

Wufuudii Jwxo ee Gudoomiyaha ONLF Admiral Maxamad Cumar Cismaan Horkacayay oo subixii Hore ee saaka ka anbabaxay Magaalada Goday ee caasimada Shabeele kuna sii Jeeda Gobalka afdheer ayaa sii Maray Tuulooyin badan oo ay ka mid yihiinTuulada Malko-salax oo katirsan Dagmada Cadaadle ee Gobolka Shabeelle,Tuulada Haardheer, Tuulada Af-cade & Qaar kale oo badan,
Waxayna wufuudu kala kulmeen Dhamaan Magaalooyinkii ay sii dhax mushaaxayeen Soo dhawayn aad uheersaraysa oo kal & laab ah Shacab waynihii ku noolaa Dhulkaas.

Madaxdii Jwxo ayaa si xushmadi kujirto udagayay Tuula kasta oo ay marayeen ulana hadlayay si waafi ah ugana warbixinayay ujeedada socdaalkooda iyo marxaladaha cusub ee Halgankii ujihaystay.

Wufuudii JWXO oo sii anba qaadayay Socdaalkoodii #Hayaanka_Guusha ayaa si habsami leh ugudanaya safar shaqeedkooda Shaqo ee dalka gudihiisa lagu camimayo.

ONA / OGADENIA

March 30th 2019, 5:39 am

Wafdigii JWXO Oo Hada Afdheer Ubaxay&Waxgaradka Magalada Goday Oo sagootiyay.

Ogaden News Agency

Waxaa saaka magalada Goday ee xarunta Gobolka Shabeele ka amba-bbaxay wafdigii Jwxo ee uu hogaamin hayay Gudomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya Jwxo Admiral Mohamed Cumar.

Wafdiga jwxo oo Labadii habeenee udanbeeyay kusugnaa Casimada Goblka Shabeele ee Goday shirar kaladuwan iyo kulama gooni gooni Ahna layeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa saaka ubaxay dhankaas iyo Gobolka Afdheer oo ay ugasii gudbi doonaan Gobolada Libaan iyo Dawa.

Wafdiga jwxo ee Saaka ka amba-baxay magalada Goday ayaa waxaa sagootiyay
Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed Ugaas Qani,Waxgaradka magalada iyo shacabka Magalada Goday oo si heer sare ah usoodhweeyay wafdiga jwxo ee maalmahan Magalada kusugnaa.

ONA

March 30th 2019, 1:52 am

Xubnaha Unugta JWXO Ee Dagmada Goday & Madaxda JWXO oo Kulan Yeeshay.

Ogaden News Agency

Waxaa si nabad ah kudhamaaday Shir muhiim ah oo ay yeesheen xubnaha Unugta JWXO ee Dagmada Godey iyo qaar kamid ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee waftiga kujooga magaalada Godey.

Madaxda JWXO ayaa xubnaha JWXO ee Magaalada Godey uga warbixiyay marxalada cusub ee lagalay iyo sida ladoonayo in loola jaanqaado, si loogaadho hadafka lahigsanayo.

Sidoo kale madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa xubnaha uqeexay habka cusub ee ladoonayo in looga halgamo gudaha wadanka Ogadenia si nabad ah.

Xubnaha Unugta JWXO ee Dagmada Godey ayaa dhankooda Madaxda waydiiyay su’aalo dhowr ah oo kusaabsan howlaha halganka, waxaana su’aalaha si hufan uga jawaabay madaxdii kulanka fadhiday.

Gabagabadii kulankii dhex maray xubnaha Unugta JWXO ee Dagmada Godey iyo Madaxda JWXO ayaa kudhamaaday si quruxbadan waxaana lagu balamay hadal yar iyo howl badan.

Tuuladiid.
ONA Godey.

March 29th 2019, 12:57 pm

Xafladii Madaxda JWXO iyo Shacabka Goday oo Guul Kusoo Dhamaatay.

Ogaden News Agency

Waxaa si nabad ah kusoo dhamaatay xaflad aad muhiim u ahayd oo shacabka Dagmada Godey ay kusoo dhawaynayeen Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kujirta socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha.

Shacabka Dagmada Godey iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Godey oo isku duuban ayaa waftiga JWXO tusay in ay jecelyihiin Kuna kalsoon yihiin go’aamada ay Madaxda JWXO qaadato, waxaana madaxda JWXO farax galiyay hab maamuuska ay usameeyeen dadka reer Godey.

Madaxda JWXO ayaa dhankooda shacabka reer Godey tusay kalsoonida ay kuqabaan iyo Jacaylka ay uhayaan iyo waliba sida ay ugu daadiyeen dhiigoodii qaaliga ahaa.

Sidoo kale madaxda JWXO ayaa shacabka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Dagmada Godey ugudbiyay fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal. Taas oo ah waxa kaliya ee hormar lagu gaadhi karo.

Tuuladiid.
ONA Godey.

March 29th 2019, 11:11 am

Faah Faahin Xafladii Balaadh Nayd Ee madaxda JWXO ku Qabteen Goday.

Ogaden News Agency

Xaflad si wayn loosoo agaasimay oon loo kalaka hadhin bulshadii kudhaqnayd magaalada Goday nooc yadeeda kala duwan ayay ku maamuuseen Hogaamintii sare ee JWXO taasoo socdaalo ku gaalaa bixinayay Guud ahaan Gayiga Ogaadeeniya uuna horkacayay Gidoomiyaha ONLF – Admiral Maxamad Cumar Cismaan iyagoo shalayto soo gaadhay magaalada.

Xarunta Maanta Xafladu ka dhacaysay oo buuxdhaafsanayd waxaa bilaysay Midabka Sadexan ee Calanka Ogaadeniya kaasoo Bulshadii soo xaadirtay kusoo labisteen lulayeena.

Ugaasyadii, Cuqaashii, Oday dhaqameedkii, Haweenkii, Dhalinyartii & Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada xubnihii u hadlay oo uu uhoreeyay Ugaaska Guud ee Shabeele- Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumad Qani ayaa si kal & laab ah usoo dhaweeyay wufuudii JWXO halkaana kaga sheekeyay hadalo Qiiro leh.

Dhanka kale waxaa madasha kasoo jeediyay Khudbado waxtar leh isuguna Jirtay Xog-Waran, Baraarujin, Waano, Dar-Daaran & Hogo-Tusaalayn Qaybaha kala duwan ee Hogaaminta JWXO ee wafdiga kamidka ahayd oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyaha JWXO- Admiraal Maxamad Cumar Cismaan, kalmadihii Masuuliyiinta ayaa Dhaygag ku noqday bulshadii kaqaybgalashay Xaflada Maxabo awadeed.

Ugu danbayn Xaflada oo si habsami leh ku qabsoontay waxaa la isku raacay baaqii JWXO ee ahaa MIDNIMO, ISCAFIN, WADAJIR & HORAY USOCOD lagu dar dar galinayo Halgankii umada laguna Xaqoijinayo XORIYADII Ogaadeenia.

ONA/Gaday

h

March 29th 2019, 6:34 am

Deg Deg: Madaxda JWXO & Shacabka Godey oo Xaflad Ufurantay.

Ogaden News Agency

Waxaa Dagmada Godey ee xarunta Gobolka Shabeelle kafurantay xaflad aad ubalaadhan oo ay isku arkayaan Shacabka Gobonimada jecel ee kudhaqan Dagmada Godey iyo Madaxdooda.

Xafladan oo si layaab leh ay usoo qaban qaabiyeen Mas’uuliyiinta Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle ayaa loogu tala galay in lagu sharfo laguna soodhaweeyo Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ee kujiray socdaalka barakaysan ee Hayaanka Guusha.

Xaflada ayaa lagu wadaa in ay madaxda JWXO kajeediyaan Khudbado dhaxal gal ah, Isla markaana ay gudbiyaan fariintii JWXO ee ahayd midnimo iyo Ismaqal, taas oo ah barnaamijka JWXO.

Ugaasyada iyo Cuqaasha Dagmada Godey oo shacabka ay xukumaan hogaaminaya ayaa soofadhiistay safka hore ee Xaflada waxayna kahadli doonaan Madasha hadii Alle Idmo.

Wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Godey.

March 29th 2019, 4:04 am

Shacabka Gunimada Neceb Ee Goday Waxay Muujiyeen Rabitaankooda.

Ogaden News Agency

Dadwaynaha gunimada neceb ee kudhaqan Dagmada Godey ee Xarunta Gobolka Shabeelle ayaa maanta muujiyay rabitaankooda dhabta ah ee abid ay kuhamiyi jireen.

Inkasta oo xafladii waynayd ee shacabka Godey iyo madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ay isku arki lahaayeen aysan dhicin hadana waxay shacabka reer Godey muujiyeen soodhawayn balaadhan oo si heer sare ah loogu soo soo shaqeeyay.

Qaban qaabiye yaasha soodhawaynta oo khibrad dheeraad ah adeegsanayay ayaa dadka shacabka ah fadhiisiyay goobta madaxda JWXO loogu tala galay in ladajiyo.

Dadka shacabka ah oo baahi uqaba aragtida madaxda JWXO iyo xiliga waftigu ay yimaadeen oo kululayd ayaa suurta galin waayay in ay xafladu qabsoonto waxaana loobalamay bari subixii hadii Alle Idmo.

Wixii kasoo kordha kulanka Madaxda JWXO iyo shacabka Godey kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia ONA.

Tuuladiid.
ONA Godey.

March 28th 2019, 2:41 pm

Qarax Khasaare Balaadhan Gaystay oo Muqdisho Ka Dhacay.

Ogaden News Agency

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay wadada Maka Al-mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Qaraxan oo lala beegsaday maqaaxi laga cunteeyo oo u dhow Hotel weheliye ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Ilaa 11 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, dad ka badan 20 qof oo kale ayaa dhaawacyo ka soo gaareen sida ay xaqiijiyaan shaqaalaha iyo baabuurta gargaarka deg dega ah ee Aamiin Amplus ee magaaladda Muqdisho.

Dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa ku jira wadaad lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Cali Caynta oo ka mid ah Hay’ada culumada Soomaaliyeed. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in gaadhiga qaraxa gaystay uu ahaa nooca raaxada, kaasi oo ka yimid dhinaca Isgoyska Dabka.

Qaraxan ayaa noqonayaa kii labaad ee ka dhacay Muqdisho 20 kii saacadood ee u dambeeyay, iyadoo Xalay qarax ka dhacay degaanka warta nabada uu ku dhintay hal qof.

Toddobaadyadii u dambeeyay, magaaladda Muqdisho waxa ka dhacay qaraxyo lala beegsanayay hay’adaha dowladda, wadooyinka muhiimka ah iyo goobaha ganacsiga ee Muqdisho. Qaraxyadaasi waxaa sheegtay maleeshiyaadka Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda Federaalka Soomaaliya.

March 28th 2019, 10:48 am

Deg Deg: Waftigii JWXO oo Lagu Soo Dhaweeyay Guriga Martida ee Godey.

Ogaden News Agency

Waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay waftiga JWXO Griga Martida ee Magaalada Godey. Waxaa si diiran watgiga usoo dhaweeyay shacab aad utiro badan oo wajiyadooda ay farxad iyo rayn rayn ka muuqato.

Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumad Ugaas Qani oo ku hadlaya magaca guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Godey ayaa wakhbad aad uqiimo badan oo soo dhawayn iyo farxad xambaarsan kasoo jeediyay goobtii madaxda JWXO ladajiyay oo ah Guriga Martida.

Wixii faah faahin ah ee ku saabsan booqashada waftiga JWXO waxaad kaga bogan doontaan wararkaanaga dambe hadii ilaahay yiraahdo ee ha moogaanina ONA.

 

ONA/Godey

March 28th 2019, 6:16 am

Waftigii JWXO oo Hada soo Galay Xarunta Gobolka Shabeelle ee Godey.

Ogaden News Agency

Waxaa hada goor dhawayd soo Gaadhay Magaalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeelle waftigii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) ee uu hogaaminayay Gudoomiyaha JWXO Adm. Maxamad Cumar Cismaan iyo masuuliin sar sare oo socdaalkan ku weliya.

Waxaa wafdiga si heer sare ah loogu soo dhaweeyay oo lagaga hortagay tuulada Hadhaawe oo aan aad uga fogayn Magaalada Godey, waxaa waftiga halkaas kaga horyimid shacabka aad u tiro badan kuwaas oo sitay boodhadh iyo  calanka JWXO, waxaa shacabkii waftiga soo dhaweeyay horkacayay Ugaas Maxamuud Ugaas Muxumed Ugaas Qani.

Waftiga JWXO ayaa waxay kasoo kicitimeen Degmada Dhanaan taas oo ay shalay galabtii ilaa xalay ku sugnaayeen, iyaga oo kulamo la yeeshay shacabka ku dhaqan degmada Dhanaan.

Waftiga oo hada soo galay magaalada Godey ayaa waxay la kulmi doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan waxayna shacabka la wadaagi doonaan warbixno badan oo la xidhiidha isbadalka siyaasadeed ee guud ahaan Itoobiya ka dhacay.

Faahfaahinta wararkan kusabsan Booqashada wafdiga JWXO Ee magalada Godey halkan kala socda hadii ilaahay yiraahdo.

ONA/Godey

March 28th 2019, 5:46 am
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا