Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Kulankii Taariikhiga Ahaa Ee Hogaanka Siyaasada JWXO & Unugta JWXO Ee Jabuuti.

Ogaden News Agency

Gudoomiyaha Hogaanka Siyaasada Iyo Xidhiidhka Heer Fadaraal ee JWXO Mudane Xassan Muxumed Ow Macalim oo dhawaan socdaal shaqo kutagay wadanka Djabuuti ayaa Shir gaar ah layeeshay Unugta JWXO ee Magaalada Jabuuti.

Halgame Xassan Macalim Gudoomiyaha Hogaanka Siyaasada Iyo Xidhiidhka Heer Fadaraal ee JWXO oo Shir caalami ah kaga qayb galayay Magaalada Jabuuti ee Xarunta dalka Djabuuti ayaa wakhti laqaatay Unugta JWXO ee kadhisan Magaalada Jabuuti.

Mudane Xassan ayaa xubnaha JWXO ee Magaalada Jabuuti uga warbixiyay Siyaasada guud ee Itoobiya, iyo marxalada Dalka Ogadenia.

Sidoo kale halgame Xassan ayaa xubnaha kubogaadiyay howsha xoogan ee ay hayaan, isagoo kubooriyay in ay sare uqaadaan.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii dhex maray Hogaanka Arimaha Siyaasada ee JWXO iyo xubnaha JWXO ee Magaalada Jabuuti.

ONA.

December 24th 2019, 3:22 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا