Doorashadii OYSU Jigjiga oo Nabad Kudhamaatay.
Ogaden News Agency
Waxaa si nabad iyo daganaan ah kusoo dhamaaday doorashadii Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) fariciisa Magaalada Jigjiga.
Doorashadan oo loosoo sharaxay 2 xubnood oo aan kala dhicin ayaa lagu doortay halgame Cabdi Cadaani Cali oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon dhalinta OYSU ee magaalada Jigjiga.
Madax Katirsan JWXO iyo hogaaminta Xafiiska JWXO ee Gobolka Faafan ayaa khudbado dardaaran ah kasoo jeediyay goobta, sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) Cumar Sh Cabdulaahi oo goob joog ahaa.
Gabagabadii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday shirwaynihii dhalinta OYSU fariciisa Jigjiga.
ONA.