Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Shirwaynihii UCSO oo Si Habsami Leh Usocda.

Ogaden News Agency

Waxaa hoolka shirarka ee Dagmada Dhagaxbuur si habsami leh uga socda Shirwaynihii Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) oo saaka halkaas kafurmay.

Shirkan oo galay maalintii 1aad ayaa lagu casuumay madax sarsare oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO), iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Ogadenia.

Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka Iyo Arimaha Gudaha Halgame Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) oo wakiil ka ahaa Gudoomiyaha JWXO ayaa Khudbadii furitaanka lasiiyay, wuxuuna Mudane Diirane si qoto dheer uga warbixiyay halkaan kanimid iyo meesha aan usocono.

Sidoo kale waxaa shirka khudbad taariikhi ah Kajeediyay Halgame Garaad Bashiir Garaad Axmed Garaad Makhtal oo kamid ah dadka ugu magaca wayn dalka Ogadenia, wuxuuna garaadku bulshada usoo gudbiyay khudbad guubaabo iyo bogaadin isugu jirtay.

Shirka oo maalintii 1aad sii dhex mushaaxaya wixii kasoo kordha kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).

ONA.

January 18th 2020, 4:08 am
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا