Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Gudoomiyaha JWXO oo Addis Ababa Hada Kuduulay.

Ogaden News Agency

Waxaa maanta ka soo amba baxay magaalada Addis Ababa Guddoomiyaha JWXO/ONLF Mudane Cabdiraxmaan sheikh mahadi, Kuna sii jeeda magaalada Jigjiga waxaana si weyn guddoomiyaha u sogootiyay Maamulka Xafiiska Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya oo uu ugu horreeyo Hoggaanka Arrimaha Siyaasadda iyo Xidhiidhka Faderaalka ahna Guddoomiyaha Xafiiska Halgame Xassan Macalin Muxumed iyo xubno kale, waxaana guddoomiyaha safarka ku waheliya Hoggaanka Maamulka JWXO, Halgame Faysal Daahir iyo Hoggaanka Daryeelka iyo Arrimaha xuquuqul Insaanka ee JWXO Marwo Khaalisa Ugaas Mahad.

Guddoomiyaha oo hawlo shaqo u joogay magaalada Addis Ababa ayaa maanta soo Afmeeray una Safray magaalada Jigjiga maalintii shalay ayay ahayd markii lagu dhawaaqay Isbahaysiga AMDF loona doortay guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga guddoomiyaha JWXO/ONLF Halgame Cabdi-Rahmaan Sheikh Mahdi,

Xilligan aan joogno waxaa magaalada Jigjiga ka socda diyaar garoowga soo dhaweynta Guddoomiyaha iyadoona laga dareemayo magaalada jigjiga oo dhan.

Bashiir Hirmooge.
ONA Addis Ababa.

January 23rd 2020, 10:50 am
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا