Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Turkiga oo Diyaarad wayn oo sida koox dhakhaatiir ah usoo diray Gurmadkii Muqdisho.

Ogaden News Agency

Dawlada Turkiga oo kajawaabaysa musiibadii uu shalay sababay Qarixii kadhacay isgoyska Ex-Control Afgooye-Muqdisho ayaa gurmad ahaan ugu soo dirtay umada soomaaliyeed Diyaar wayn oo sida daawo iyo koox dhakhaatiir ah kuwaas oo gacan kagaysanaya badbaadinta dhaaeacyada ladhiban saamayntii qarixii shalay asiibay.

Raysal wasaaraha soomaliya oo umagacaabay latacaalida dhaawacyada Gudi heer Qaran ah baa Waxaa lagu wadaa inay soo gudbiyaan tirada dhaawac een dalka gudihiisa waxba looga waban karin waxaana lagu wadaa lagu qaado Diyaaradaas turkigu keenay si loogu soo dabiibo dalka Turkiga oo caafimaad ahaan heer wanaagsan ka gaadhay.

Dhanka kale khasaarihii uu sababay ayaa wali kor usii kacaysa iyadoo haatan laxaqiijyay dhimashada in kabadan 80 shaqsi iyo dhaawaca inkabadan 130 shaqsi.
Waxaa sidoo kale xusid mudan inuu jiro khasaare maaliyadeed baaxad leh oo uu gaystay Qarixii aan loo meel dayin ee shalay gilgilay Muqdisho.

ONA / Muqdisho.

December 29th 2019, 6:16 am
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا