Tuulada Sanwayne oo Xafiiskii JWXO Laga Furay.
Ogaden News Agency
Waxaa si rasmi ah Tuulada Sanwayne oo Dagmada Ceel-ogaadeen ee Gobolka Qoraxay katirsan looga furay Xafiiskii Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).
Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Dagmada Ceel-ogaadeen Halgame Xaaji Cabdicasiis Nuur Mubaarak oo socdaal shaqo kutagay Tuulada Sanwayne ayaa si rasmi ah xadhiga uga Jaray Xafiis cusub oo ay JWXO kuyeelan doonto Tuulada Sanwayne.
Gudoomiye Cabdicasiis ayaa furitaankii Xafiiska kadib Dadwaynaha kula hadlay Xafiiska hortiisa wuxuuna kala hadlay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen Midnimada iyo sidii ay shacabku danahooda ugaran lahaayeen.
Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa mashquul ku ah furitaanka xafiisyo cusub oo laga furo dalka Ogadenia, iyadoo shacabkuna ay aad usoo dhawaynayaan.
ONA.