Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Xubnaha JWXO Ee Xaafada 4aad Ee Qabridahare oo Shirtay.

Ogaden News Agency

Waxaa galabta oo Sabti ah Xafiiska JWXO ee Magaalada Qabridahare kaqabsoomay Shir Balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee xaafada 4aad ee magaalada Qabridahare.

Kulankan oo ah mid abaabul isla markaana sare loogu qaadayo wacyiga xubnaha ayaa kaqabsoomay gudaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay, waxaana shirka lagu furay wacdi Diini ah oo xubnaha lagu xasuusiyay cabsida Allaah.

Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Qoraxay halgame Faysal Naftii Gade ayaa khudbad mug leh ujeediyay xubnaha kulanka kasoo qayb galay, wuxuuna Gudoomiyuhu bogaadiyay xubnaha xaafada 4aad oo howlo Muhiim ah qabtay.

Dhinaca kale waxaa aragtidooda ku aadan howlaha halganka laga dhagaystay qaar kamid ah xubnaha JWXO ee xaafada 4aad ee magaalada Qabridahare kahowl gala.

ONA.

December 21st 2019, 2:09 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا