Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

OYSU Muqdisho oo Shirwayne Qabsatay.

Ogaden News Agency

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya kaqabsoomay shirwaynihii Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) laantiisa Muqdisho.

Dhalinta OYSU Muqdisho ayaa Xoghayaha cusub ee talada qaban doona u doortay halgame Cabdifataax Ismaaciil oo kamid ah dhalinta wax baratay.

Xidhiidhiyaha OYSU ee dalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Cali ayaa kulanka khudbad dheer oo xog waran iyo guubaabo isugu jirtay kasoo jeediyay, wuxuuna Xidhiidhiyuhu sheegay in sare looqaadi doono howlaha OYSU ee Somalia.

Xoghayaha cusub ee OYSU Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu shaqooyin muhiim ah kaqabto Muqdisho iyo dhulka ku xeeran.

ONA.

December 27th 2019, 10:27 am
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا