Wafti Kasocda UCSO oo Socdaal Shaqo Ubaxay.
Ogaden News Agency
Waxaa maanta oo Jumce ah Dagmada Qabridahare ee Xarunta Gobolka Qoraxay ka amba baxay wafti Kasocda Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO).
Waftigan oo isugu jira maamulka Ururka ee heer Gobol iyo Heer Aduun ayaa u amba baxay Dagmooyinka Shilaabo, Dhoobawayn iyo Higloolay, halkaas oo socdaal shaqo ay kutagi doonaan hadii Alle Idmo.
Waftiga UCSO ee u amba baxay Bariga iyo Koonfurta Gobolka Qoraxay ayaa kujira howla laxidhiidha Shirwaynaha Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) oo dhawaan lagu wado in uu kaqabsoomo Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar.
Wixii kasoo kordha socdaalka Waftiga Culimada ee Gobolka Qoraxay kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).
ONA.