Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Shir Abaabul oo Loo Qabtay Ururka Haweenka Ogadeniya Unugtiisa Degmada Fiiq.

Ogaden News Agency

Kulan abaabul oo loo qabtay Ururka Haweenka Ogadenya faracooda Degmada Fiiq ayaa ugu horayn waxaa lagu furay Wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Halgame Sh.Bashiir, Kadibna waxaa lagu soo dhaweeyay Mudane Shaafici Maxamed wuxuuna Halgamaagu halkaas kasoo jeediyay warbixin waafiya oo dhinacyo badan taabanaysa, lana xidhiidha Geedi-socodka Halganka iyo waxyaabihii Xisbiga JWXO uqabsoomay Shirwaynihii Godey kadib iyo xaalada Gumaysigu halkay marayso, Wuxuuna sharaxaad kabixiyay xisbiga cusub ee EPP iyo Buuga Medemer ee dhalanteedku kabuuxo.

Dhinaca kale Halgame Shaafici oo hadalkiisa sii wata ayaa Madasha kasoo jeediyay: Tilmaamaha Hawlwadeenka Bisil, Dhaqamada kareeban iyo Asluubka laga doonayo xubinka JWXO, wuxuuna Xubnaha ugu baaqay inayna is dhiganin oo ay kadhabeeyaan Balankii ay lagaleen Kumanaankii kun ee u shihiidey Dalkooda, Diintooda iyo Dadkooda.

Shirkan oo ahaa mid aad loogu diirsaday ayaa waxaa kale Khudbad muhiim ah kasoo jeedisay Halganto Nasteexo Maxamed intaas Kadibna waxaa Aragtidooda cabiray qaar kamida xubnihii kulanka kasoo qaybgalay.

Kulankan oo uu Daadihinayay Gudoomiyaha Degmada Fiiq Halgame Iid Sulub ayaa waxaa Ugudanbayntii Hees aad uqiiro badan halkaasi kaqaadey Abwaan Maxamed Faarax, wuxuuna Shirku kusoo Gabagaboobay jawi farxadeed oo aad udagan waxaana lagu balamay Halgan & Hor’usocod.

ONA/FIIQ.

December 20th 2019, 3:12 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا