OYSU Dhagaxbuur oo Kulan Muhiim Ah Qabsaday.
Ogaden News Agency
Waxaa Dagmada Dhagaxbuur ee Xarunta Gobolka Jarar kusoo gabagaboobay kulan balaan oo ay isugu yimaadeen Xubnaha iyo howl-wadeenka Dhalinta OYSU ee kadhisan magaalada Dhagaxbuur.
Kulankan oo ahaa mid loogu gogol xaadhayay shirwaynaha Ururka Dhalinyarada Iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia (OYSU) laantiisa Dhagaxbuur ayaa Uqabsoomay sidii loogu tala galay, waxaana kulanka khudbad xogwaran ah kasoo jeediyay xidhiidhiyaha OYSU ee Gobolka Jarar Mudane Cabdulaahi Cumar Xassan (Cabdulaahi Darbo).
Gudiga qabanqaabada Shirwaynaha OYSU Dhagaxbuur iyo maamulka dhalinta ayaa sheegay in todobaadka dambe maalinta Axada ah hadii Alle Idmo laqaban doono Shirwaynaha OYSU Dhagaxbuur, kaas oo lagu dooran doono maamul cusub oo xilka dhalinta qaban doona.
Shirwaynaha OYSU Dhagaxbuur iyo wixii kasoo kordha kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).
ONA.