Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Qaar Kamida Dhalinta OYSU ee Degmada Fiiq oo Kulan Muhiim ah loo Qabtay.

Ogaden News Agency

Qaar kamida Hawlwadeenka OYSU ee Degmada Fiiq oo Shir heer sare ah loogu qabtay xafiiska JWXO ee Degmadaasi ayaa waxaa kulanka furay Halgame Maxamed Cabdiqaadir oo ah Xoghayaha Oysu ee Unugta Fiiq.

Waxaana Uguhoraynba lagu soo dhaweeyay oo xubnaha lawadaagay Warbixintii ay tabayeen Halgame Shaafici Maxamed oo Maalmahanba Hawlgal Abaabul halkaasi ujoogay wuxuuna yidhi: Waa inaad Halganka doorkiina ka qaadataan maadaama aad tihiin xoogii maanta & Hogaamintii barito, Waxaa kale oo uu Carabka ku adkeeyay in dhalintu ku dadaalaan Waxbarashada islamarkaana ay umidoobaan siday dalkooda uga saari lahaayeen Jahliga, Saboolnimada iyo Gumaysiga sababta u ah intaba, Wuxuuna dhalinta kula dardaarmay inay ilaaliyaan dhaqanka toolmoon ee diinta Islaamka kusidkan, waana inaad ogaataan Alle kasakow Guusha & Guuldaraduba inay Gacantiina kujiraan ayna ku xidhan tahay tahay uun hadba sida aad udhaqantaan.

Dhinaca kale waxaa isna Shirka kahadlay Iid Sulub oo ah Gudoomiyaha Degmada Fiiq wuxuuna sheegay in dhalintu ay ku dhaganaadaan Mabda’ooda ayna si Niya ah uga qayb qaataan Hawlaha Halganka, Kadibna waxaa kulanka Afkaartooda kadhiibtay qaar kamida xubnihii madasha fadhiyay, Wuxuuna Shirku kusoo dhamaadey si Guul ah.

ONA/FIIQ.

December 22nd 2019, 2:29 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا