Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Xubnaha JWXO Ee Gobolka Faafan oo Shahaado Sharaf Qaatay.

Ogaden News Agency

Waxaa si nabad ah kudhamaatay xaflad balaadhan oo qaar kamid ah xubnaha JWXO ee Gobolka Faafan Shahaado Sharaf lagu gudoonsiinayay.

Xafladan oo ahayd mid si wayn looga soo shaqeeyay ayaa kaqabsoontay Hotel Istanbul oo kuyaala badhtamaha magaalada Jigjiga, waxaana xaflada kasoo qayb galay qaar kamid ah madaxda JWXO.

Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Gobolka Faafan Marwo Yusra Axmed Ibraahim ayaa khudbad kooban kufurtay xaflada, waxaana toos looguda galay bixinta Shahaadooyonka oo xubnihii mutaystay lagudoon siinayay.

Sidoo kale waxaa xaflada khudbad mug leh kusoo xidhay kusimaha Gudoomiyaha JWXO General Cabdulaahi Mukhtaar oo kamid ahaa madaxdii xaflada kasoo qayb gashay.

Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si farxad leh goobta kaga baxay 180 xubnood oo lahudoon siiyay Shahaado Sharaf qiimo badan.

ONA.

December 21st 2019, 1:57 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا