Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Xubnaha JWXO Ee Xaafada 5aad Ee Dhagaxbuur oo shiray.

Ogaden News Agency

Waxaa saaka oo Isniin ah Xafiiska JWXO ee Xaafada 5aad ee magaalada Dhagaxbuur ka qabsoomay shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee xaafada 5aad ee magaalada Dhagaxbuur.

Kulankan oo ahaa mid lagu abaabulayay isla markaana lagu wacyi galinayay xubnaha ayaa ka qabsoomay xafiiska xaafada 5aad waxaana shirka lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi diini ah.

Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Dagmada Dhagaxbuur Naftii Hure Shariif Xassan Kaariye ayaa khudbad taarikhi ah u jeediyey xubnaha kulanka kasoo qayb galay wuxuuna Gudoomiyuhu bogaadiyay hawlaha muhiimka ah ay qaybteen.

Dhinaca kale waxaa isaguna kasoo jeediyey khudbad muhiim ah Hogaanka Abaabulka ee Gobolka Jarar ee JWXO Halgame Cabdi Xassan Mataan (Cabdi Gaab).

Waxaaa iyaguna aragtidooda ku’aadan hawlaha halganka kasoo jeediyay qaar ka mid ah xubnaha JWXO ee Xaafada 5aad ee magaalada Dhagaxbuur ka hawl gala.

Naciima Cabdulaahi.
ONA Dhagaxbuur.

December 23rd 2019, 10:17 am
اقرأ على الموقع الرسمي

1 comment
dobsonz

IdJ1LA http://pills2sale.com/ levitra nizagara

Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا