Kulan Daahfur Ah oo Xafiiska JWXO Ee Faafan Kaqabsoomay.
Ogaden News Agency
Waxaa Xafiiska Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ee Gobolka Faafan maanta galinkii hore Kaqabsoomay kulan lagu daahfurayay siminaar xubnaha JWXO ee magaalada Jigjiga lasiin doono hadii Allah uu ogolaado.
Siminaarka oo furmi doona maalinta barito ah ayaa lagu wadaa in ay ka faa’iidaystaan xubno badan oo kamid ah kuwa Magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda kahowl gala.
Siminaarka oo sida lasheegay dhowr qaybood isugu jira ayay dhigi doonaan madax sarsare oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).
Wixii kasoo kordha howsha Siminaarka kala Soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).
ONA.