Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Wakhtiga Doorashada Dalka Itoobiya oo la shaaciyay.

Ogaden News Agency

Gudiga Doorashooyinka Itoobiya Ee magaciisa loosoo Gaabiyo NEBE ayaa shaaciyay Wakhtiga Rasmiga ah ee laqaban doono doorashada Guud ee dalka Itoobiya.

Gudiga ayaa sheegay In dhamaadka bisha Shanaad ilaa bilowga bisha lixaad ee sanadka soo socda laqaban doono doorashada Guud ee dalka Itoobiya.

Gudiga ayaa sheegay in is diwaangalinta Cod bixiyayaasha labilaabmi doonto badhtamaha bisha koobaad socona doonto ilaa usbuuca sadexaad ee bisha labaad.

Diiwaan galinta murashixiinta Ayaa la bilaabi doonaa bilowga bisha Labaad waxuuna socon doonaa ilaa dhamaadka bisha labaad.

Ugu danbayna Gudiga doorashooyinka Heer qaran ayaa sheegay in ololaha doorashada bilaaban doonto badhtamaha Bisha labaad ee sanadka soo socda socona doonto ilaa Xiliga doorashada loo dareerayo.

Shacabka Somalida Ogadenya/Soomali State ayaa wuxuu u badan yahay kuwa ku nool inta badan dhulka miyiga ah mana haystaan mustawaqo, waxaan ugu baaqaynaa inay qaataan mustawaqaha intaan haysan isna diwaan galiyaan si ay codkooda udhiibtaan.

ONA.

November 4th 2020, 1:40 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا