Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Wafti Kasocday Maamulka JWXO Ee Shabeelle oo Shiniile Lagusoo Dhaweeyay.

Ogaden News Agency

Waxaa barqin nimadii maanta oo Axad ahayd Tuulada Shiniile oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan gaadhay Wafti balaadhan oo katirsan maamulka JWXO ee Gobolka Shabeelle.

Waftigan oo uu hogaaminayay Madaxa Arimaha Bulshada ee Xafiiska JWXO ee Shabeelle halgame Maxamed Garaad Sahal ayaa si wayn oo aan lookala hadhin loogusoo dhaweeyay Tuulada Shiniile oo dhacda Woqooyiga Dagmada Dhahaan.

Kumanaan kamid ah Shacabka ree Shiniile oo xamaasadaysan ayaa waftiga soodhaweeyay, waxaana waftiga meel fagaare ah kula hadlay mas’uuliyiinta Xafiiska JWXO ee Gobolka Shabeelle iyo waliba maamulka JWXO ee Dagmada Dhanaan.

Mas’uuliyiinta ayaa shacabka ku amaanay Xamaasada iyo lexjeclada kamuuqata, waxayna ka codsadeen in ay iskuduubnida shacabka ilaaliyaan.

Kulanka oo ahaa mid balaadhan ayaa xili kulul oo maanta ah kusoo dhamaaday si nabad galiyo ah, waxaana lagu balamay hadal yar iyo howl badan.

ONA.

December 29th 2019, 5:46 am
اقرأ على الموقع الرسمي

1 comment
dobsonz

RaKrt8 http://pills2sale.com/ levitra nizagara

Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا