Wafti kasocda JWXO oo Hora-haajir oo Lagusoo Dhaweeyay.
Ogaden News Agency
Waxaa maanta Tuulada Hora-haajir oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan lagu soo dhaweeyay Wafti balaadhan oo kasocday Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) oo bishanba hawlgalo kaga jiray Gobolka Shabeelle.
Waftigan oo uu hogaaminayay Madaxa Arimaha Bulshada ee Gobolka Shabeelle halgame Maxamed Garaad ayaa howlo abaabul utagay Tuulada Hora-haajir oo Dagmada Dhanaan katirsan.
Soo dhawayn balaadhan kadib waxaa si heer sare ah shir loogu qabtay shacabka kunool Tuulada Hora-haajir waxaana shirka lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah.
Intaa kadib Gudoomiyaha Xafiiska JWXO ee Dagmada Dhanaan Naftii Hure Axmednuur Qaalib ayaa kusoo dhaweeyay Madaxa Arimaha Bulshada ee Gobolka Shabeelle Mudane Maxamed Garaad oo si qota dheer warbixino iyo waliba taariikhda halganku uu soomaray ugu jeediyay Shacabka Soomaalida Ogadenia ee kudhaqan Tuulada Hora-haajir.
Waxaa dhankoda khudbado kajeediyay mas’uuliyiintii kale ee kamidka ahaa waftiga JWXO ee Gobolka Shabeelle.
Guntii iyo Gunaanadkii waxaa si guul ah kusoo dhamaaday kulankii dhex maray Madaxda JWXO iyo shacabka Tuulada Hora-haajir.
Bishar cabdulahi.
ONA hora-haajir.