Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Qarax Xoogan oo saaka gilgilay Caasimada Muqdisho.

Ogaden News Agency

Subaxnimadii hore ee saaka waxaa jugta qarac laxaadleh laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada muqdisho.

Qaraxan oo ahaa Gaadhi Xamuul ah oo laga soo buixiyay walxaha Qarxa baa wuxuu ku Qarxay barta Contorol ee Magaalada laga soo Galo ee Ex-Control Afgooye.
Xiliga uu kusoo aaday qaraxu oo ahayd subax hore oo dadwaynuhu ukalahayeen shaqooyinkooda, waxbarashada & goobahooda ganacsi iyo madasha oo ahayd bar kulan afar-ridood u ah Baabuurta kakala timaada jihooyinka kala duwan baa waxay sababtay inuu khasaaruhu faraha kabaxo.
Si dhakhsa ah waxaa ugaadhay goobta iskuna gadaamay hay’adaha amaanka dawlada Soomaaliya.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar maxmad (Cumar-Filish) oo goobta gaadhay lana hadlay saxaafada wuxuu sheegay inuu Qaraxu ahaa mid xoogan gaystayna khasaare nafeed & Maaliyadeedba walina wadaan tirakoobka xajmiga waxyeelo ee uu sida rasmiga ah ugaystay.
Isagoo sii hadlaya gudoomiyuhu taagana meejii Qaruxu kadhacay ayuu sheegay in illaa 90 shaqsi una badan rayid kudhaawacmeen ilaa hada dhimashaduna kabadantahay 30 shaqsi.
Wuxuuna sheegay in dadka dhintay kunireen Injineero ajinabi ah & arday jaamacadeed siiba Jaamacada Banaadir.

Gaadiidka gurmadka dagdaga ah iyo hay’adaha amaanka Soomaaliya baa wali ku mashquilsan daabulka iyo dhakhtar gaynta dadkii uu Qaruxu asiibay.

ONA/ Muqdisho.

December 28th 2019, 4:00 am
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا