Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Shirkii Gudiga Xalinta khilaafaadka JWXO & Odayaasha Dhagaxmadow oo Is Afgarad Kudhamaaday.

Ogaden News Agency

Waxaa si guul ah Kudhamaaday kulan balaadhan oo dhex maray Gudiga Xalinta Khilaafaadka JWXO iyo Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Dhagaxmadow, kaas oo mudo kasocday gudaha Dagmada Dhagaxmadow.

Gudiga Xalinta Khilaafaadka JWXO oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Hogaanka Xidhiidhka Bulshada ee JWXO Mudane Sulub Cabdi Axmed ayaa kala warqaadasho kadib Odayaasha waydiiyay in ay gudiga u ifiyaa xogta dhulka ay isku haystaan Beelaha walaalaha ah.

Odayaasha Dhaqanka ee Dagmada Dhagaxmadow ayaa dhankooda Gudiga JWXO siiyay xogta ku aadan khilaafka qabiilada walaalaha ah ee kasoo kala jeeda Dagmooyinka Dhagaxmadow iyo Dhagaxbuur.

Gudiga JWXO oo mar kale lakulmi doona dhinaca kale ee khilaafku uu kala dhaxeeyo beesha Dhagaxmadow ayaa kuniyad san in ay xaliyaan xurgufta udhaxaysa dadkii ay mudada dheer udagaalamayeen.

ONA.

December 17th 2019, 12:47 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا