Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا اقرأ على الموقع الرسمي

Deg Deg: Jabhada ONLF oo Isbahaysi Wayn Kubiirtay.

Ogaden News Agency

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey) ayaa daqiiqado kahor qalinka kuduugay kamid noqoshada Isbahaysiga wayn ee lamagac baxay Isbahaysiga Fadaraalka iyo Dimuqraadiyada ( Alliance For Democractic Federalism -ADF).

Isbahaysigan oo ah kii ugu horeeyay ee abid ka hirgala wadanka Itoobiya ayay kubahoobeen Ururo badan oo aaminsan nidaamka Fadaraalka, Xoriyada, Sinaanta, Cadaalada iyo Dimuqraadiyada, waxaana maanta oo Khamiis ah lagu sixiixay dhalashada Isbahaysiga Magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Qaar kamid ah ururada isbahaystay oo dhamaantood aaminsan Aayo katashiga dadkooda ayaa kujiray isbahaysigii PAFD kaas oo ay kamid ahaayeen dhowr urur oo JWXO ay kamid tahay.

Gudoomiyaha Arimaha Siyaasada & Xidhiidhka Heer Fadaraal ee JWXO Mudane Xassan Muxumed Ow-macalim iyo Hogaanka Daryeelka & Naafada JWXO Marwo Khaalisa Ugaas Mahad oo qorshaha soo dhiraan dhiriyay iyo Madax kale oo katirsan Jabhada ONLF ayaa goob joog ahaa xiliga lasixiixayay waraaqda kamid noqoshada Isbahaysiga.

Isbahaysigan Alliance For Democractic Federalism (ADF) ayaa noqonaya midka ugu balaadhan ee shacabku ay kumidaysan yihiin Isla markaana utaagan xoraynta shucuubtooda si nabad ah, wuxuuna noqon doonaa midka ugu wayn ee qorshihiisu uu yahay in dalku uu ahaado habka Fadaraalka ah oo ah sida kaliya ee lagusii wada joogi karo.

Sidoo kalana waxaa laga sugayaa ururadan isbahaystay inay xaqiijinayaan mustaqbalka dhaw aayokatalinta shucuubta ay matalaan.

ONA.

January 22nd 2020, 12:32 pm
اقرأ على الموقع الرسمي

0 comments
Write a comment
Get it on Google Play تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا