Shir Kusaabsan Arimaha Amniga Oo Addis-Ababa ka dhacay&Onlf Ooka Qaybgashay. Waxaa Maanta Magaal
Ogaden News Agency
Shir Kusaabsan Arimaha Amniga Oo Addis-Ababa ka dhacay&Onlf Ooka Qaybgashay.
Waxaa Maanta Magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya kadhacay, Shir ballaadhan oo uu soo diyaariyay Machadka Istiraatiijiyada Iyo Nabadda(I.S.A) oo ay ka soo qayb galeen, Hay’adaha Amniga,xisbiyada Mucaaradka Ah,xubno ka socday baarlamaanka Fadaraalka Itoobiya iyo khubarro ku takhasusay Arrimaha Amniga
shirakan ayaa waxaa Jabhada Wadaniga Xoraynta OGadenya JWXO Uga Qayb-galay Hoggaanka Arrimaha Dibada,Siyaasada,Xidhiidhka Heer Faderaal,Ahna Guddoomiyaha Xafiiska ONLF ee Addis Ababa Halgame Xasan Macalin.
Intii uu shirku socday ayaa waxaa Goobta ka hadlay Khubaro Arimaha Amniga Ku takhasusay,waxayna soo jeediyeen in wax laga badalo habkii horee loo maamul jiray Arrimaha Amniga Iyadoo la tix-raacayo isbadalka ka socda dalka Ethiopia.
Sidookale waxaa madasha ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka Ethiopia waxuuna balan qaaday inay wax weyn ka badali doonaan Qaab-dhaqankii Horee ciidamada Si ay Ula jaanqaadaan isbadalka dalka kadhacay hadda wixii ka dambeeyana lala socon-doono hawlaha ay hayaan hay’adaha Amnigu.
Geesta kale Masuuliyiintii ka socday xisbiyada Ayaa soo jeediyay in Dib Uhabayn Balaadhan lagu sameeyeo Qaabka ay Ushaqeeyaan Hay’adaha Amniga qayba-hooda kala duwan, sida Booliska, Asluubta, Ciidamada Deegamada, Nabad Sugida,Milatariga iyo dhammaan Hay’adaha Amniga ku shaqada leh,
ONA Addis Ababa.
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا
اقرأ على الموقع الرسمي

تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا