Gudoomiyaha JWXO oo Shir Jaraa’id Qabtay.
Ogaden News Agency
Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey) ayaa galabta oo Jumce ah Xafiiskiisa magaalada Jigjiga Kuqabtay shir saxaafadeed uu ugu tala galay shacabka Soomaalida iyo aduunkaba.
Gudoomiye Maadey ayaa ugu horaynba ka warbixiyay socdaal mudo 2 bilood ah qaatay oo uu howlo shaqo ugu maqnaa, wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay wixii uqabsoomay intii uu maqnaa.
Gudoomiyaha JWXO Dr Cabdiraxmaan Sh Mahdi ayaa Faahfaahin gun dheer kabixiyay Isbahaysiga Qoomiyadaha Badan Ee Dimuqraadiyada Iyo Fadaraalka (Alliance Multination Democratic Federalism (AMDF) kaas oo 23/1/2020 lagu yagleelay Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Itoobiya.
Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed cod dheer ugu sheegay in ay JWXO danta Soomaalida oo kaliya ugaleen isbahaysigan oo aaminsan aayo katashiga shucuubta iyo Fadaraalka.
Gudoomiye Maadey ayaa sidoo kale DDS ugu baaqay in ay shacabka si hufan ugu adeegaan oo ay noqdaan shaqaale shacab, shacabkuna uu ahaado kii lahaa dowlada, sidoo kale Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay sifiican uwada shaqeeyaan JWXO iyo DDS.
War-saxaafadeedka Gudoomiyaha JWXO oo muuqaal ah kala soco Warbaahinta JWXO.
ONA.
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا
اقرأ على الموقع الرسمي
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا