Ururka Dhalinyarada OYSU Faraca Dhagaxbuur oo Kulan Isugu Yimid.
Ogaden News Agency
Waxaa hada soo gabagaboobay kulan ay isugu yimaadeen ururka dhalinyarada iyo ardayda soomaalida Ogaadeniya OYSU fariciisa magaalada dhagax buur ee xarunta gobolka Jarar.
Kulan oo ka qabsoomay xafiiska gobolka jarar ee jabhada wadaniga xoraynta ogadenia (JWXO) ayaa ahaa mid lagu abaabulahayey laguna wacyi galiyey dhalinyarada ka hawl gasha magaalada dhagax buur ee xarunta gobolka jarar waxaa khudbad muhiim ah ka soo jeediyey gudomiyaha dhalinyarada faraca Dhagaxbuur halgame Bashiir ismaaciil.
Dhanka kale waxaa iyaguna dardaaran, dhiiri galin iyo talo bixin badan is waydaarsaday xubnihii shirka kasoo qayb galay wuxuuna shirku kusoo gabagaboobay si guul ah.
Nacima C/hi.
ONA/Dhagax buur.
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا
اقرأ على الموقع الرسمي
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا