Qaybtii Hore Ee Shirwaynihii 2aad ee UCSO oo Guul Kudhamaaday.
Ogaden News Agency
Waxaa si guul ah Kudhamaaday qaybtii hore ee shirwaynihii Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia (UCSO) oo maanta kafurmay hoolka kuliyada Farsamada ee Dagmada Dhagaxbuur.
Shirkan oo mudo maalmo ah socondoona ayaa saaka ufurmay sidii loogu tala galay, waxaana furitaankii Shirwaynaha ka hadlay madax katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).
Sidoo kale waxaa furitaankii Shirwaynaha Culimada ee saaka lahadlay qayb kamid ah Gudiga qabanqaabada Shirwaynaha iyo Gudoomiyaha hada xilka haya ee Ururka Culimada (UCSO).
Qaybta dambe ee shirka maanta oo goor dhaw furmi doona kala soco Wakaalada Wararka Ogadenia (ONA).
ONA.
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا
اقرأ على الموقع الرسمي

تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا