Shacabka Soomaalida Ee Jigjiga Kudhaqan oo Dareenkooda Muujiyay.
Ogaden News Agency
Waxaa galabta oo Khamiis ahayd Garoonka Dayuuradaha ee Garaad Wiil-waal kasoo dagay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey).
Gudoomiye Maadey oo shaqo ugu maqnaa magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ayaa si aan horay loo arag loogusoo dhaweeyay Magaalada Jigjiga, waxaana afaafka hore ee Garoonka buux dhaafiyay kumanaan Shacabka Soomaalida Ogadenia ah oo kulabisan calanka iyo calaamadaha JWXO.
Gudoomiyaha oo afaafka hore ee Garoonka shacabka kula hadlay ayaa ugu horayn umahad celiyay shacabka Gobonimada jecel ee Soomaalida Ogadenia, wuxuuna Gudoomiyuhu sheegay in uu wax badan usoo qabsoomay.
Sidoo kale Gudoomiye Maadey ayaa sheegay in ay Jigjiga Soomaali leedahay isla markaana loobaahan yahay in dadyowga kale ay nabad kula noolaadaan balse aysan macquul ahayn in lagu digto shacabka ay booguhu kuyaalaan ee Soomaalida Ogadenia.
Khudbadii Gudoomiyaha oo muuqaal ah kala Soco Warbaahinta JWXO.
ONA.
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا
اقرأ على الموقع الرسمي
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا
q5UCpD http://pills2sale.com/ levitra nizagara