JWXO oo ka Hadashay xidhayga xaq darada ah ee Loo gaystay masuuliyiinta iyo xubnaha ONLF ee Magaalad
Ogaden News Agency
JWXO oo ka Hashay xidhayga xaq darada ah ee Loo gaystay masuuliyiinta iyo xubnaha ONLF ee Magaalada Qabri Dahare.
ONLF ayaa si adag uga Hadashay xidhayga loo gaystay Halgame Mohamed Ibrahim oo kamid ah Golaha dhexe ee ONLF iyo xubnaha Maamulka JWXO ee Gobolka Qorahay, waxayna ku baaqday in lasii daayo dhamaanba xubnaha ONLF ee ku xidhay Magaalada Qabri dahare ee Gobolka Qorahay.
ONLF ayaa ugu baaqday Dawlada Faderalka ah ee Itoobiya iyo tan deegaankaba in la ixtiraamo heshiiskii JWXO ay kula sixiixatay dawlada Itoobiya 2018 kii Magaalada Asmara ee Wadanka Eritrea.
ONLF ayaa sidoo kale sheegtay in Maamulka Deegaaanka somalidu uu dajiyay Astaanta iyo Calanka ONLF oo ku xidhnaa tuulooyin kamid ah Deegaanka Somalida.
Taageerayaasha ONLF ee magaalada Qabri dahare ayaa isugu soo baxay, dibad balaadhan oo ay ku taageerayaan JWXO.
ONA.
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا
اقرأ على الموقع الرسمي
تحميل تطبيق نبأ للآندرويد مجانا